script src='//www.topcreativeformat.com/ DARAASAD: Canaanta badan oo caruurta ka qaada geesinimada iyo fariidnimada
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DARAASAD: Canaanta badan oo caruurta ka qaada geesinimada iyo fariidnimada


Hargeisa, 2 SEP, -2024 ( SGN ) - Canaanta badan oo caruurta ka qaada geesinimada iyo fariidnimada. Daraasad uu sameeyey machadka daraasaadka caruurta ee Qaahira ayaa sheegay in canaanta badan ay caruurtu ka qaado fariidnimada iyo geesinimada. Dr Ihaab Ciid oo ah khabiir  machadka daraasadka caafimaadka caruurta ee Qaahira la taliyena uga ah koritaanka ubadka, ayaa sheegay in maskax xumida iyo doqonimada caruurta qaar lagu arkaa ay ku yimaadaan marka ilmuhu korniin aan cilmi ku dhisneyn kala kulmo waalidkii gaar ahaan hooyadii. 

Dr Ihaab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhaqamada qalafsan ee uu ilmuhu kala kulmo hooyadii oo ay ugu badan tahay canaanta iyo dagaalka ay ku keenaan khalkhal dhinaca neerfayaasha ah. 

Sidoo kale waxa uu Dr Ihaab sheegay in hooyada ilmaheeda ku ciqaabta in haddii uu waxa ay dooneyso sameeyo ay ka dhaafeyso gaf uu galey, oo uu ciqaabtiisa ka baqayo ay ilmaha ku sababi karto burbur nafsi ah iyo cillad dhinaca neerfayaasha oo xitaa gaadhi kara inuu kaadida xejisan kari waayo ilmuhu gaar ahaan habeenkii. Dareensii caruurta iney xor yihiin.

Tags

Post a Comment

0 Comments