script src='//www.topcreativeformat.com/ DARAASAD:- Waxay khubaro caafimaadka ku Takhasustay ka Dariyeen Habka ay gabadha Uurka leh u seexato.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DARAASAD:- Waxay khubaro caafimaadka ku Takhasustay ka Dariyeen Habka ay gabadha Uurka leh u seexato.

HARGEISA, 6 JUNE  2024 - (SGN) --- Daraasad lagu sameeyey dalka ingiriiska ayaa lagu ogaadey in dumarka uurka lixda bilood iyo ka weyn lihi ay yareyn karaan khatarta ah in ilmuhu kasoo dhaco, ama ku dhex dhinto haddii ay dhinac u seexdaan kana feejignaadaan u seexashada dhabarka .


Cilmibaadhayaasha oo ka tirsan Jaamacada Hudderfield ee dalka Ingiriiska ayaa cilmi baadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka Edinical Medicine, tijaabo ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in hooyada dhabarka u seexata marka uurkeedu gaadho todobaadka 28-naad ay 50% ka badan ay labanlaabato khatarta ah inuu ilmuhu dhinto marka la barbardhigo hoyada dhinaca u seexata.


Dr Tomasina istaasi oo ka mid ahayd xeeldheerayayaasha daraasadan sameeyey ayaa sheegtay, in cidhiidhiga ku dhacaya halbowlayaasha dhiigga marka hooyada uurka lihi dhabarka u seexato ay Sababto inuu khalkhal galo ama hoos u dhaco caabiga dhiiga gaadhaya wadnaha hooyada, taasina waxa ay yareyneysaa dhiiga uu wadnuhu tuurayo ee gaadhi lahaa xubnaha jidhka.


Sidoo kale Dr Tomasina waxay sheegtay in sida ugu fiican ay tahay in hooyada uurka lihi ay dhinac u seexato sidoo kalena waxa ay sheegtay in dhinac u seexashadu ay yareyso caga bararka marar badana ay isku arkaan haweenka uurka lihi.

Post a Comment

0 Comments