script src='//www.topcreativeformat.com/ Maxaa Kasoo Kordhay Shilka Uu Galay Madaxweynaha Iran Oo Mardhawayd Uun Warbaahintu Baahisay.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Maxaa Kasoo Kordhay Shilka Uu Galay Madaxweynaha Iran Oo Mardhawayd Uun Warbaahintu Baahisay.


HARGEISA, 19 May 2024 (SGN) - Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa si adag u soo degtay, sida uu sheegay telefishinka qaranka dalkaasi, isagoo sheegay in faahfaahin dheeraad ah ay soo raaci doonto goor dhow, iyadoo ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo helikobtarka.Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in shilkan uu ka dhacay Axadii meel u dhow Jolfa oo ka tirsan gobolka Bariga Asarbayjaan ee Iran.




Maalin ka hor, Raisi waxa uu ku sugnaa dalka ay jaarka yihiin ee Azerbaijan si uu u daah furo biyo-xireen uu garab taagan yahay Madaxweyne Ilham Aliyev. Warbaahinta xiriirka la leh dowladda ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay ku jireen kolonyada, labada kalena ay si nabad ah dib ugu soo laabteen.


Wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian iyo Ayatollah Mohammad Ali Ale-Hashem, oo ah wakiilka hogaamiyaha sare ee Iran ee gobolka, ayaa la rumeysan yahay in ay isla diyaarad helikobter ah saarnaayeen Raisi. Wasiirka Tamarta Ali Akbar Mehrabian iyo Wasiirka Guryeynta iyo Gaadiidka Mehrdad Bazrpash ayaa ku sugnaa diyaaradaha kale ee helicopters-ka ah ee si nabad ah dib ugu soo laabtay.


Dhankale War ay baahisay Televisionka Afka dawalada ku hadla ee Mehr News Agency Ayaa Lagu sheegay inaany Wax waxyeelaa Soo Gaadhin Madaxweynaha uuna badqabo.

Post a Comment

0 Comments