script src='//www.topcreativeformat.com/ Faa'iidooyinka caafimaad Ee Laga Helo Baamiyaha
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Faa'iidooyinka caafimaad Ee Laga Helo Baamiyaha

 


Baamiyaha waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan, wuxuuna qani ku yahay fiitamiinnada sida: Vitamin K, Vitamin C, Thiamine (B1) Folate (B9), iyo macdano ay ka mid yihiin: Magnesium, Phosphorus, Calcium iyo Zinc.

  1. Lafaha xoojisa: waxa ku jira Vitamin K oo ka qayb qaata samaynta lafaha isaga oo kiimikaad gaabinaya ama hawlgeliya borotiinada ka qayb qaata samaynta lafaha sida osteocalcin waxa kale oo ku jira kaalshiyam iyo fosfooraska.  .

  2. Waxa ay u roon tahay dadka macaanka qaba: xogta caafimaadku waxa ay sheegaysaa in ay hoos u dhigto xawliga nuugista sokorta ee dheefshiidka (low Glycemic Index) taasina waxa ay la macno tahay in sonkorta dhiigu aanay aad u sareyn.

  3. Caafimaadka hooyada uurka leh: Faytamiin Folate (folic acid) waxa lagu daraa daawada si looga hortago dhibaatooyinka caafimaad darro ee ilmaha uurka ku jira, waxaana muhiim ah in hooyada uurka leh ay qaadato fitamiinkan.

  4. Baamiyaha waxa uu u roon yahay araga,waxana ku jira vitamin A aad u badan.

  5. Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga sababtoo ah waxa ku jira faybar mucilaginous ah.

  6. Waxa ay xoojisaa hab-dhiska difaaca: waxa uu qani ku yahay Vitamin C waxa aanu ka caawiyaa in uu jidhka ka saaro sunta.

  7. Waxa kale oo ay hoos u dhigtaa kolestaroolka ama baruurta dhiigga.

  8. Baamiyuhu waxa uu ilaaliyaa caafimaadka maqaarka iyo

  9. Faa’iidooyinku waa badan yihiin oo qoraalka laguma soo koobi karo

  Qoray: Dr. Faris Al-Attas

  

Tags

Post a Comment

0 Comments