script src='//www.topcreativeformat.com/ Deni Oo Ganafka Ku Dhuftay Go'aankii DFS Ee Mamul goboleedyada
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Deni Oo Ganafka Ku Dhuftay Go'aankii DFS Ee Mamul goboleedyada

 


Garowe 18 May ( SGN) - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa furay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo muddo saddex Cisho ah socon doona. 


Shirka jiheynta Xukuumadda waxaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla oo lagu jaangooyey Siyaasiyadda Madaxweynaha ee Difaac iyo Dimuqraadiyad, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Dowladda iyo horumarinta wadashaqeynta Beesha Caalamka. 


Shirka waxaa  ay ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada  Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Joogtada ah Baarlamaanka, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda , Agaasimeyaasha Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Khuburo Madaxa banaan iyo marti sharaf kale.

.

Post a Comment

0 Comments