script src='//www.topcreativeformat.com/ DEG DEG: Qarax Khasaaro geystay oo goor dhawayd ka dhacay Duleedka Muqdisho
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DEG DEG: Qarax Khasaaro geystay oo goor dhawayd ka dhacay Duleedka Muqdisho

 


2 May (SGN) - Dhowaan ayay aheyd markii qarax khasaare geystay uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.  Shilkan ayaa ka dhashay gaari ay leedahay shirkadda Korontada ee BECO. 


Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga qarxay uu dab qabsaday,isla markaana uu goobta ku dumay.  Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyay halkaasi. 


Marka laga soo tago sida ay wax u dhaceen, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha. 


Weerarkan ayaa daba socda dhacdo kale oo dhawaan ka dhacday deegaanka Garsbaaley, halkaasoo lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaasoo sababay dhimashada 6 qof oo shaqaale ah.

Post a Comment

0 Comments