script src='//www.topcreativeformat.com/ XOG: Safarkii Diblomaasiyadeed Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Tanzania, Zanzibar iyo Kenya
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

XOG: Safarkii Diblomaasiyadeed Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Tanzania, Zanzibar iyo Kenya

 


28 April ( SGN) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Tanzania, waxaana uu uga sii gudbay Jasiiradda Zanzibar oo ah gobol xiriir taariikhi ah oo qoto dheer la leh shacabka Soomaaliyeed. 


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu la kulmay Hussein Mwinyi oo ah Madaxweynaha Dowladda Zanzibar, isagoo uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Aabihii Madaxweynihii hore ee Tanzania Ali Hassan Mwinyi. 


Wadahadalka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed iyo qowmiyadaha kala duwan ee dega Zanzibar.  Intaa waxaa dheer, waxay sahmiyeen fursadaha iskaashiga dhanka dalxiiska, gaar ahaan marka la eego jasiiradaha Zanzibar. 


Docda kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gelinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.  Imaatinkiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, taasoo muujineysa sida uu weli u sii socdo xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Post a Comment

0 Comments