script src='//www.topcreativeformat.com/ Turkiga ayaa qorsheynaya inuu bilaabo qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya sanadka 2025-ka
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu bilaabo qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya sanadka 2025-ka

 


25 April ( SGN) - War qoraal ah oo uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaashi Cabdi ‘Carabey’ ayuu ku sheegay in dalka Turkiga uu billaabayo sanadka soo socda howlo shidaal qodis ah oo uu ka bilaabayo xeebaha baaxadda leh ee uu leeyahay. 


Cabdi oo u warramayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa xaqiijiyey qorshaha Turkiga ee hawlgalka qodista shidaalka ee la qorsheeyay inuu bilaabmo horraanta sannadka 2025-ka, “Waa sax, waana qayb ka mid ah heshiiskii aanu la galnay (Turkiga), waxaanay bilaabi doonaan hawlaha dhul-badeedka.  iyo qodista xeebaha ku wajahan degmooyinka Baraawe iyo Hobbio," ayuu yiri Cabdi, isagoo sheegay in xogtan uu shaaca ka qaaday wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar. 


Baraawe, oo qiyaastii 200 km dhanka koonfureed kaga beegan Muqdisho, iyo Hobbio, oo qiyaastii 500 km dhanka waqooyi-bari ka xigta, ayaa ah meelaha ay xudunta u tahay hawlaha qodista ee soo socda.  Bayraktar, ayaa bayaan uu soo saaray todobaadkii hore, ku xusay, "Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inay ku yeelan karto kayd shidaal."  Waxa uu intaa ku daray, "Waxaan bilaabi doonaa shaqada seismic, waxaan rabnaa in aan samayno qodista qoto dheer badda 2025," mar uu la hadlayay warbaahinta gaarka ah ee Turkiga. 


Heshiiska cusub ee saliidda iyo gaasta ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen horraantii bishii Maarso ayaa la filayaa in uu kor u qaado iskaashiga dhinaca sahaminta iyo ka faa’iidaysiga tamarta tamarta, taasoo dhidibbada u taageysa faa’iidooyinka labada dhinac ee dhanka tamarta.

Post a Comment

0 Comments