script src='//www.topcreativeformat.com/ Tiradii ugu badneyd ee Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsan ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Tiradii ugu badneyd ee Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsan ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

 


21 April ( SGN) - Mudooyinkii dambe waxaa si weyn u soo badanayay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isku soo dhiibaya dowladda.  Waxa ay tusaale u soo qaateen in ay u adkeysan la’yihiin caqabadaha ka jira in ay ku noolaadaan dhulalka ay argagixisadu gacanta ku hayaan iyo cadaadiska ay kala kulmaan ciidamada qaranka iyo shacabka deegaanka oo iyagu hub u qaatay. 


Gobolada sida Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaa maalmihii la soo dhaafay iska dhiibay dhalinyaro aad u fara badan, kuwaasi oo ka tanaasulay fikirkii qalafsanaa ee Khawaarijta.  Si heer sare ah ayaa loo soo dhaweeyay, waxaana garab taagan dowladda. 



Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kordhiyay howlgalada ay ka wadaan deegaanada fog fog ee dalka, kuwaasi oo la doonayo in lagu xoreeyo Khawaarijta.  Howlgalladan ayaa cabsi ku beeray Khawaarijta, taasoo keentay in noloshooda ay sii adkaato.














Post a Comment

0 Comments