script src='//www.topcreativeformat.com/ : Shiinaha ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay taageerro iyo gargaarka loo baahanyahay inuu gaarsiiyo Taiwan oo uu ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu sarreeyo oo gaarsiisan 7.5.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

: Shiinaha ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay taageerro iyo gargaarka loo baahanyahay inuu gaarsiiyo Taiwan oo uu ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu sarreeyo oo gaarsiisan 7.5.


HARGEISA, 3 April 2024 - [SGN]. Shiinaha ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay  taageerro iyo gargaarka loo baahanyahay inuu gaarsiiyo Taiwan oo uu ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu sarreeyo oo gaarsiisan 7.5.


Warar dheeraad ah oo la xiriira dhul-gariirka;

•Dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 7.4 ayaa ka dhacay bariga Taiwan, waana dhulgariirkii ugu xoogganaa muddo 25 sano ah.

•Dhismayaal badan ayaa ku dumay bariga Taiwan, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay.

•87,000 guri ayay korontada ka maqantahay  Taiwan, xaaladan oo ka dhalatay dhul-gariirka.

•Digniin ayaa  laga soo saaray Taiwan, jasiiradda Okinawa ee Japan iyo Filibiin.

•Internet inuu ka maqanyahay meelaha qaar ayaa laga soo wariyay Taiwan.

~ Iman jama 



Post a Comment

0 Comments