script src='//www.topcreativeformat.com/ Senatorka ka tirsan Maraykanka Oo Maamulka Biden Ugu Baaqay Inuu Aqoonsado Horumarka iyo Dimuqraadiyada Somaliland.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Senatorka ka tirsan Maraykanka Oo Maamulka Biden Ugu Baaqay Inuu Aqoonsado Horumarka iyo Dimuqraadiyada Somaliland.


 HARGEISA, 29 APRIL 2024 (SGN) - Senatorka ka tirsan Maraykanka Oo Maamulka Biden Ugu Baaqay Inuu Aqoonsado Horumarka iyo Dimuqraadiyada Somaliland. Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Golaha Senate-ka Mareykanka, ayaa ugu baaqay maamulka Biden inay la macaamilaan Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee “Soomaaliya oo keliya” aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee jirta.


Isagoo ka hadlayay 27-kii April, Senator Risch waxa uu iftiimiyay horumarka dimuquraadiyadeed ee ka jira Somaliland, waxaanu ku booriyay dawladda Maraykanka inaanay iska indha tirin.  Waxa uu tilmaamay aamusnaanta maamulka Maraykanka oo ay ku ammaanayaan xulafada Somaliland horumarka ay ka samaysay doorashada.


Hadalka Risch ayaa daba socda bayaan ay si wadajir ah u soo saareen 25-kii April Denmark, EU, Germany, Norway, Sweden, iyo UK.  Wadamadani waxa ay soo dhaweeyeen ku dhawaaqista rasmiga ah ee ay Somaliland ku dhawaaqday wakhtiga doorashadu dhacayso ee 13-ka November 2024, ee ay soo saareen komishanka doorashooyinka qaranka iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi digreeto ka soo baxday oo uu ku cadeeyey wakhtiga doorashada.


Saaxiibada caalamku waxay horumarradan ku tilmaameen tallaabooyin muhiim ah oo lagu xaqiijinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dhacaya 13-ka Noofambar, iyagoo muujiyay sida ay uga go'an tahay inay taageeraan geeddi-socodka iyada oo ay weheliyaan dhammaan daneeyayaasha doorashada.

Post a Comment

0 Comments