script src='//www.topcreativeformat.com/ Nuxurka iyo Qodobadii Kasoo Baxay Kulankii Shalay dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo golaha wasiirada.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Nuxurka iyo Qodobadii Kasoo Baxay Kulankii Shalay dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo golaha wasiirada.


HARGEISA, 19 APRIL 2024 (SGN). Shirkii Golaha Wasiirada Ee Ku Dhex maray Madaxweynaha  jamhuuriyada Somaliland muddane Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxaa kasoo Baxay Oo lagu Gaadhay dhawr Qodob oo layska gartay. Dhinaca kale, goluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-


1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka,  iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.



2. Goluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.


3. Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.


4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.


Post a Comment

0 Comments