script src='//www.topcreativeformat.com/ Maxkamadda Racfaanka ayaa billowday dhageysiga dacwadda SAYID CALI.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Maxkamadda Racfaanka ayaa billowday dhageysiga dacwadda SAYID CALI.

 


21 April Somali Global News  - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa billowday dhageysiga dacwad muhiim ah oo ku saabsan Sayid-Cali Macallin Daa’uud, oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dil toogasho ah ugu xukuntay 


Goobta maxkamada waxaa jooga wakiilo ka socda xeer ilaalinta, qareenada difaacaya, qaraabada dhinacyada ay khuseyso iyo shaqsiyaad kale oo daneynaya. 


Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed oo ka hadlay Maxkamadda ayaa warbixin guud ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna ku nuux-nuux saday culeyska ay leedahay dacwadda iyo danta guud ee laga leeyahay. 


“Fadhigii maanta ujeedadiisu waa in la dhageysto racfaanka uu eedeysane Sayid Macallin Daa’uud ka soo gudbiyay xukunka maxkamadda gobolka Banaadir, oo ay ku xukuntay Luul C/casiis, kuna xukuntay dil toogasho ah,” ayuu yiri guddoomiyaha. 


Maxkamadda ayaa markaas ku casuuntay eedaysane Sayid Cali, si uu u soo bandhigo sababta uu racfaan uga qaatay go’aanka.  Wuxuu caddeeyay in si xaqdarro ah loogu eedeeyay dil, isla markaana si xaq darro ah loogu sawiray inuu yahay gacan ku dhiigle, isagoo ku andacoonaya inuusan wax dan ah ka lahayn inuu xaaskiisa dhibaato u geysto. 


"Waxaan xareeyay racfaankan, Sharaftaada, sababtoo ah si aan cadaalad ahayn ayaa laygu calaamadeeyay gacan ku dhiigle, inkastoo aan ahay dhibane nafteyda," ayuu yidhi. 


Maxkamada gobolka Banaadir ayaa bil kahor xukun dil ah ku riday Sayid Cali kadib markii lagu helay in uu dilay xaaskiisa. 


Kiiska Sayid Cali ayaa ah kii ugu adkaa ee hadda horyaala maxkamadaha gobolka Banaadir, waxaana natiijada ka soo bixi doonta ay dad badan si weyn u sugayaan.


Post a Comment

0 Comments