script src='//www.topcreativeformat.com/ Masar iyo Turkiga ayaa wada saxiixday heshiis lagu ilaalinayo badda Soomaaliya oo aysan Itoobiya ku xad-gudbin.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Masar iyo Turkiga ayaa wada saxiixday heshiis lagu ilaalinayo badda Soomaaliya oo aysan Itoobiya ku xad-gudbin.

 


21 April ( SGN) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Turkiga ayaa dhawaan ku kulmay magaalada Ankara, iyagoo ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ugu muhiimsan ee gobolka ee Soomaaliya, Suudaan, iyo Liibiya.  Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry iyo dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan oo la hadlay warbaahinta, ayaa muujiyay sida ay uga heshiiyeen istiraatijiyad wax looga qabanayo xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya. 


“Waxaan go’aansanay in aan dar dar gelino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay caqabadaha ka soo cusboonaanaya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan kuwa halista ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan. 


Labada wasiir ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.  Wasiir Shoukry ayaa ku nuuxnuuxsaday, "Waxaan isweydaarsannay fikrado ku saabsan tallaabooyinka ka hortagga ah si loo hubiyo in iskahorimaadyada siyaasadeed ee Geeska Afrika aysan u gudbin dhibaatooyin buuxa." 


Fidan ayaa sidoo kale faah faahin ka bixisay dadaallada wadajirka ah ee ay ku doonayaan in xal waara looga gaaro xiisadda Suudaan, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Masar si wax looga qabto caqabadaha ka jira Liibiya, Suudaan, Soomaaliya iyo Itoobiya.  Waxa uu carabka ku dhuftay in Wasiirada ay doonayaan in si joogta ah looga wada hadlo arrimahan xasaasiga ah. 


Wadahadalkooda ayaa sidoo kale ka koobnaa qorshayaasha lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee Suudaan, saameyntiisa gobolka, wada xaajoodyada socda, iyo xeeladaha lagu soo celinayo nabadda gobolka.


Post a Comment

0 Comments