script src='//www.topcreativeformat.com/ Hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah markii loo soo sheegay inay Israa'iil dishey Saddex wiil oo uu dhalay iyo afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa,wuxuu yidhi sidan.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah markii loo soo sheegay inay Israa'iil dishey Saddex wiil oo uu dhalay iyo afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa,wuxuu yidhi sidan.

 

HARGEISA, 11 APRIL 2024 - (SGN) Hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah markii loo soo sheegay inay Israa'iil dishey Saddex wiil oo uu dhalay iyo afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa,wuxuu yidhi sidan."Uma oynayo Awlaadayda geeriyootay,Sababtoo ah way shahiideen,Waxayna ku dhinteen jidkii aynu kuligeen ku balanay,Alle ha u naxariisto .


Qoyskaygu iyo Caruurtaydu kama fadli badnayn kumanaanka reer Falastiin ee dhintay, dhiigooda wadanka ayay u hureen waxayna u dhinteen si sharaf leh iyo maalin sharaf badan oo Ciid ah .


Aniguna markayga inaan Xanuunka geerida dareemo,Waa Cadaalad, Allah ayaan ku dhaartee Waan ku qanacsanahay Qadarta eebbe,Waana ku sabrayaa,Ha quusanina Farajka allah waa dhow yahay .


Dhalinyaradeena maalin kasta u shahiidaysa inay dhulkooda xoraystaan,casharo ay dunidu kale ku qajisho bay dhigayaan,hadiiba ay jiraan dad uu damiir ku haray .


Dilka wiilasheyda ee Israa'iil,waxba uma dhimeyso Xamaas,waxaan allah ga mahad-naqayaa sharafta uu ku maamuusay darajada shahiidnimo,Wiilashydii iyo carruurtaan awoowga u ahaa ”.


Dagaalka ayaa weli socda Qaza Welina ILaa hada laguma dhawaaqin labada dhinacba xabad joojin ka hirgasha Xoogaaga iska caabinta ee xamaas iyo Isreal. Ilaa hadana wadamo badan oo ay mid yihiin jordon, Turkey, Emarites iyo Kuwo kale ayaa raba inay Qaza laga hirgaliyo xabad joojin rasmiya.


Madaxweynaha Maraykanka Jeo biden ayaa hadal uu jeediyey ka dhawaajiyay in taagerida uu isreal maraykanku taageeraayo Ay ku xidhan tahay in dadka rayidka Qaza ay helaan kaalmaha bani aadamnimo ee loo fidinaayo kana hor istaagin dadkaas isreal caawinta loo samaynaayo.

Post a Comment

0 Comments