script src='//www.topcreativeformat.com/ DEG DEG: Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Xogta Lasii hayay  Ee Ay Ku badbaadeen Dadka
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DEG DEG: Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Xogta Lasii hayay  Ee Ay Ku badbaadeen Dadka

 


27 April ( SGN) -  Warar cusub ayaa kasoo baxaya qaraxyadii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi. 


Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo lagu soo qariyay bac madow. 


Walxaha qarxa ayaa la soo dhigay afaafka hore ee dukaan lagu iibiyo Jalaatada iyo Nacnaca ee loo yaqaano Aadan-neytiin. 


Ciidamada amaanka ayaa markii ay heleen xogta ku saabsan qaraxan la aasay, waxa ay durbadiiba xireen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay isku dayeen in ay fashiliyaan miinada.  Si kastaba ha ahaatee, miinada ayaa la qaraxday ka hor inta aysan goobta gaarin kooxda Bambaanooyinka. 


Nasiib wanaag, ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegay oo ka dhashay qaraxa ka dhacay Isgoyska Dabka.  Si kastaba ha ahaatee waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaraxyo kale ay ka dhaceen xaafado kale oo magaalada ah sida Yaaqshid iyo Boondheere.  Faah faahin ku saabsan inta uu la egyahay khasaaraha iyo qaabka ay qaraxyadan u dhaceen ayaan la ogeyn. 


Inkastoo warar aan rasmi ahayn oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ay sheegayaan in walxaha qarxa loo adeegsaday si dhib la’aan ah, haddana xaaladdu waa mid caadi ah. 


Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ammaanka lagu xaqiijinayo, iyadoo ciidamada ay si weyn u baarayeen dadka iyo gaadiidka guud ahaan magaalada. 


Wixii kusoo kordha qaraxyada Muqdisho kala soco wararkeena danbe ee Somali Global News

Post a Comment

0 Comments