script src='//www.topcreativeformat.com/ DEG DEG: Muuse Biixi Oo Wareegto Ka Soo Saaray Wakhtiga Doorashada
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DEG DEG: Muuse Biixi Oo Wareegto Ka Soo Saaray Wakhtiga Doorashada

 


21 April ( SGN) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray  Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-


Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka 


Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 


Markaan Arkay:  Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;


Markaan Helay;  Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka; 


Waxaan Soo-saaray; 


In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.


Post a Comment

0 Comments