script src='//www.topcreativeformat.com/ DARAASAD:- Baraha bulshada Oo kordhinaaya tirada dadka wehel la'aanta ee Aduunka.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DARAASAD:- Baraha bulshada Oo kordhinaaya tirada dadka wehel la'aanta ee Aduunka.

Baraha bulshada ayaa noqday lamaane kaasoo galay kaalintii wehelka

 HARGEISA, 28 APRIL (SGN) - Daraasad ay sameeyeen dhakhaatiir cilmi nafsi ah ayaa sheegay in baraha bulshadu ay kordhiyeen wehel la‟aanta. Daraasada ayaa lagu sheegay in baraha bulshadu ay dad badan ku sababeen iney dareemaan wehel la‟aan.


Sidoo kalena waxaa daraasada lagu sheegay in isticmaalka baraha bulshada laba saacadood wax ka badan maalintii ay laba jibaarto fursada ah inuu qofku dareemo inuu bulshada ka dhex baxey. Daraasada ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ka dhex bixida dadka ay dhaliso dareen cadho iyo hinaaso leh.


Waxaa suurtagal ah iney dhalinyaradu markasta oo ay dareemaan iney cidlo yihiin ay aad u adeegsadaan baraha ay bulshadu ku xidhiidhto, waxay noqon kartaa in isticmaalkooda baraha bulshada oo bata uu ku dhaliyo iney dareemaan in lagu Cidleeyey dunida.Waxa kale oo daraasada lagu xusey inta uu qofku waqti badan ku bixiyo baraha bulshada in la mid ah inuu kasii fogaanayo 
bulshada iyo dunida dhabta ah.


Isticmaalka baraha bulshada sidoo kale waxa uu qofka ku dhalin karaa inuu dadka ka dhex baxo, oo ka dhalata daawashada sawirada asxaabtaada oo munaasabada aan lagugu casuumin ku damaashaadaya.
Kooxdan cilmibaadhista sameeyey ayaa waxay wareysteen 2000 qof oo da‟doodu u dhaxeyso 19-32 sano jir.

Post a Comment

0 Comments