script src='//www.topcreativeformat.com/ XOG: Kulan Dhex Maray Muuse Biixi iyo Murashaxa Xisbiga Waddani Oo Uu Qayb Ka Ahaa Madaxweynihi Hore Daahir Riyaale
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

XOG: Kulan Dhex Maray Muuse Biixi iyo Murashaxa Xisbiga Waddani Oo Uu Qayb Ka Ahaa Madaxweynihi Hore Daahir Riyaale

 


20 March ( SGN ) Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa goobjoog ka ahaa kulan u muuqda in uu isagu ka shaqeeyay oo u dhexeeya  Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi. 

NUXURKA KULANKA

Kulankan oo lagaga wada hadlay qodobo kala duwan oo qaranka dan u ah, oo uu ka odayeeyey Madaxweyne hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa diirada lagu saaray:- 


1. In meel looga soo wada Jeedo Cadawga Somaliland, lagana wada shaqeeyo Difaaca Qaranka. 


2. Arrimaha Doorashooyinka; 


a) In ololaha doorashooyinka lagu galo si bilaa turxaan ah. 


b)  In natiijada ka soo baxda tartanka doorashooyinka loo hoggaansamo oo ay aqbalaan Xisbiyada Qaranku. 


c) In saddexda cisho ee soo socda ay xisbiyada qaranku kulamo qabsadaan, si ay u sii anba qaadan una  lafo-guraan qodobadan hirgelintooda. 


Ugu dembayntii, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uga mahad-naqay Madaxweynihii hore Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin soo qaban-qaabinta kulankan iyo ka-shaqaynta danaha guud ee Qaranka.




Post a Comment

0 Comments