script src='//www.topcreativeformat.com/ Wax Ka Ogoow Waxyaabaha Bisha Ramadan La Gaar tahay.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Wax Ka Ogoow Waxyaabaha Bisha Ramadan La Gaar tahay.

 

HARGEISA - 11 MAR  2024 - (SOMALIGLOBAL NEWS) .
Dhacdooyinka taariikhiga ah ee dhex dhacay bishan barakay san ee ramadaan way
fara badanyihiin, waxaana kamid ah kuwan hoos ku xusan:


1. Sidaan wada ognahay bisha ramadaan dhexdeeda waa bishii nabigeenna (s.c.w) Waxyiga ku billowday.


2. Sidoo kale ramadaanka dhexdiisa sanadkii 10aad ee bicthada nabigeenna (s.c.w) ayuu dhintay Abii dhaalib oo ahaa nabiga (s.c.w) adeerki, wax bandanna ka difaaci jirey hagardaamadii ree qureesheed ay nabiga ku hayeen.


3. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee soo saariddi nabiga ayaa la oofsaday nabiga xaaskiisii ugu horraysay ee uu sida aadka ah u jeclaa, ahaydna ruuxii koowaad ee rumeeyo dhambaalkii uu nabiga siday, waa hooyadii mu'miniinta khadija bintu khuwaylad.


4. Ramadaanka dhexdiisa Sanadkii laad ee hijrada waxaa la sharciyeeyay Aadaanka, kadib markuu riyo ku arkay Cabdullaahi binu zayd.


5. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrada ayaa la jideeyay salaadda ciidda.


6.Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrda waxaa la sharciyeeyay Zakaatul fidriga.


7. Bishan ramadaan dhexdeeda isla sanadkii 2aad ee hijrada ayeey ahayd markii uu Allaah guusha siiyay rasuulka iyo asxaabta dagaalkii lamagac
baxay dagaalkii Badar.


8. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee hijrada wuxuu Allaah gacanta muslimiinta soo galiyay oo la furtay magaalada barakaysan, ahna qiblada.
muslimiinta ee Makkah al-mukarramah markaa ayeey dadkii diinta usoo galeen kooxo-kooxo.


9. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 1l aad ee hijrada waxaa la oofsaday gabadhii rasuulka ee Faadimah bintu rasuuli LLAAH.

10. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 40aad ee hijrada waxaa shihiiday khaliifkii
afaraad ee muslimiinta Cali binu abii-daalib.


11.Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 58aad ee hijrada waxaa la oofsaday hooyadii mu'miniinta ee ahayd xaaska kaliya ee uu rasuulka (s.c.w) iyadoo gabadh ah guursaday, si aad ahna uu u jeclaa waa Caaisha binti abii-bakar.


12. Ramadaanka dhexdiisa ayeey ahayd sanadkii 92aad ee hijrada markii ay musliminta furteen JiI (spain) wuxuuna ALLAAH ku furay gacanta
Daariq binu ziyaad.

Tags

Post a Comment

0 Comments