script src='//www.topcreativeformat.com/ Wax ka Ogoow Taariikh nololeedkii Pual Alexdander ?
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Wax ka Ogoow Taariikh nololeedkii Pual Alexdander ?

 

13 MARCH 2024 - ( SOMALI GLOBAL NEWS) Waxaa geeriyooday Paul Alexander oo ahaa nin u dhashay dalka maraykanka, islamarkaana naafo ka ahaa dhanka Sambabada, Paul Alexander oo ku geeriyooday da'da 78-sano jir ayaa 72-sano oo cimrigiisa ka mid ah wuxuu ku jiray mishiinka idiin muuqda.


 Paul Alexander isagoo 6 sano jir ah ayaa waxaa haleelay cudurka dabaysha, cudurku waxa uu ka haleelay Sambabada oo howlgab noqday, Kadibna waxaa loo sameeyey Sambab gacan ku samays ah oo ah mishiinka wayn ee idiin muuqda.


Halkaas ayuu ku jiray muddo 72-sano ah,  Paul Alexander intii uu mishiinka ku dhex noolaa waxa uu ka baxay kulliyadda sharciga, kadibna waxa uu noqday qareen la jecelyahay oo ka howlgala Maraykanka.


Ninkan Ayaa inbadan la Tacaalayay Xanuunkan Haleelay Yaraantiisii kaas oo maray dhakhaatiir iyo baadhitaano badan oo layskugu dayaayo in noloshiisa lagu badbaadiyo ugu danbayn halkan ayaa loo gartay.

Post a Comment

0 Comments