script src='//www.topcreativeformat.com/ Waa Maxay Qodobada Kasoo Baxay Kulankii Dhexmaray Musharax Ciro iyo Wasiiradii Beesha Ciise iyo Madax dhaqmeedkoodu.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Waa Maxay Qodobada Kasoo Baxay Kulankii Dhexmaray Musharax Ciro iyo Wasiiradii Beesha Ciise iyo Madax dhaqmeedkoodu.

 

HARGEISA - 16 MARCH 2024 - (SOMALI GLOBAL NEWS). Kulan in muddo ah u soo socday Beesha degta Gobollada Salal iyo Awdal iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayeen Wasiirkii hore ee Gaashandhiga iyo Wasiirkii hore ee Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateye iyo Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa ku soo gebogaboonay jawi isfaham iyo taxaaluf siyaasadeed. 


Wasiiradii hore Ee Xukuumada joogta lasoo dhaqeeyey Oo uu ugu horeeyo muddane Cabdiqani Maxamuud Caateeye fariid oo iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu yahay oo ahaa wasiirka gaashaandhiga SL. Iyo Wasiirkii ciyaaraha ee xilkaa laga qaaday ee muddane cabdi siciid faahiye iyo Murashaxa Madaxweynaha waxa ay isla meel dhigeen qoddoban soo socda :- 


1. In Beesha degta Gobollada Salal iyo Awdal iyo tageerayashooduba la bohooban Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. 


2. In qoddobada Heshiiska ee labada dhinac la dhammaystiro isla markaana la qabto Munaasibadda Shaacinta Xafladda Soo dhaweynta.


Waxaana hada la qabanqaabinayaa xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay taaso lagu soo dhawaynaayo inay qayb ka noqdaan Xisbiga Mucaaradka ah Ee WADDANI. 

Post a Comment

0 Comments