script src='//www.topcreativeformat.com/ DEG DEG: Qarax Ka Dhacay Degmada Mandheera Ee Dalka Kenya Khasaaraha Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhaw Saldhig
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DEG DEG: Qarax Ka Dhacay Degmada Mandheera Ee Dalka Kenya Khasaaraha Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhaw Saldhig

 


25 March ( SGN) Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in goor hore oo maanta ah uu qarax ka dhacay bartamaha magaalada.  Xogta ugu horeysa ayaa sheegeysa in qaraxa uu ka yimid meel u dhow hotel yar oo u dhow saldhiga booliska ee deegaanka. 


Maamulka ayaa hadda qiimeynaya xaaladda, iyadoo wararku ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay shilkaas.  Ilaa hadda ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay, waxaana la sugayaa faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay bulshadu uga naxsan tahay naxdinta la soo deristay.  Waxaa wali la sugayaa in si rasmi ah loo xaqiijiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca inta uu la egyahay.

Post a Comment

0 Comments