script src='//www.topcreativeformat.com/ Munaasibad lagu guddoonsiinayay agab ciyaareed kooxaha ka qayb galaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo loogu magac daray Koobka musharraxa madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Munaasibad lagu guddoonsiinayay agab ciyaareed kooxaha ka qayb galaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo loogu magac daray Koobka musharraxa madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga

 

HARGEISA - 17 MARCH 2024 - (SOMALI GLOBAL NEWS). Munaasibad lagu guddoonsiinayay agab ciyaareed kooxaha ka qayb galaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo loogu magac daray Koobka musharraxa madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

Tartammadan oo ka qabsoomaya gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay ka mid yihiin magaalada Hargeysa, magaalada Burco, magaalada Boorama, Magaalada Ceerigaabo, Magaalada Gabiley, magaalada Berbera iyo degmooyin kale waxa maalgeliyay xisbiga WADDANI oo dhiiri gelinaya dhallinyarada dalka ee xiiseeya ciyaaraha.

Munaasibadda waxa ka soo qayb galay Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Marwo Milgo Sanbalooshe, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga mudane Maxamed X Yuusuf Waabeeyo, , Xoghayaha Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Yuusuf Tadhase, Xoghaye ku xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha

Marwo Filsan Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha garabka haweenka Marwo Foosiya Kayse, Agaasimaha Xarunta Dhexe iyo agaasime kuxigeenka Mudane Siciid Xaashi iyo Mudane Khadar Xasan, Xoghayaha Arrimaha gudaha Mudane Baashe Cabdi Gaboobe, , Xoghayaha Xanaanada xoolaha Dr Axmed Shukri , Xoghaye kuxigeenka Waxbarashada mudane Aftax Siciid, Xoghaye kuxigeenka Biyaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Huuno, Xoghaye xigeenka gaadiidka Mudane Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale.


Waxaana tartankan agaasinkiisa kaalin weyn ka qaatay Agaasimaha Xarunta Dhexe iyo xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Masuuliyiinta soo agaasimay tartannadan ayaa u mahad naqay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guud ahaan hoggaanka xisbiga kaalinta ay ka qaateen dhiiri gelinta dhallinyarada

Post a Comment

0 Comments