script src='//www.topcreativeformat.com/ Maraykanka ayaa Cadaadis ku saaray Israa'iil qaraarka xabad joojinta Gaza iyadoo wadahadalada Qatar ay sii socdaan
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Maraykanka ayaa Cadaadis ku saaray Israa'iil qaraarka xabad joojinta Gaza iyadoo wadahadalada Qatar ay sii socdaan

 


22 March ( SGN) Madaxa sirdoonka Israa’iil ayaa lagu waday in uu gaaro dalka Qatar jimcaha si uu uga qeyb galo wadahadalo la doonayo in lagu gaaro xabad joojin, iyadoo ay ku soo beegantay iyadoo Mareykanka uu doonayo in uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo jeediyo qaraar u ololeynaya in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Gaza, isaga oo dhigaya  cadaadis diblumaasiyadeed oo dheeri ah oo ku wajahan saaxiibkeeda. 


Intii lagu guda jiray booqashadiisa Qaahira Khamiistii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa rajo ka muujiyay in dadaallada dhexdhexaadinta ee iskaashiga ee ay ku lug leeyihiin Mareykanka, Qatar, iyo Masar ay si guul leh u dhexdhexaadin karaan heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Israa'iil. 


Wada-hadallada Qatar ayaa ugu horreyn diiradda lagu saaray sidii xabbad-joojin soconaysa muddo lix toddobaad ah, taas oo fududayn doonta in 40 maxaabiis ah oo Israa'iil ah lagu beddelo sii daynta Falastiiniyiin badan oo ku xidhan xabsiyada Israa'iil, taas oo awood u siinaysa kordhinta gargaarka bini'aadantinimo ee aagga ay halis ugu jirto macluusha daran  cunto-yarida halista ah. 


Blinken wuxuu yiri, "Wadaxaajoodayaasheena horumar ayay sameynayaan, kala duwanaanshuhu wuu sii yaraanayaa, waxaana si dhab ah ugu ololeyneynaa in la isku afgarto Doha. Socdaalku waa mid adag, laakiin waxaan ku rajo weynahay natiijo wanaagsan." 


Khilaafka aasaasiga ah ayaa ku jira shuruudda Xamaas ee ah in la sii daayo maxaabiista oo kaliya taas oo qayb ka ah heshiis ballaadhan oo lagu soo afjarayo colaadda, halka Israa'iil ay u furan tahay in ay ka hadasho joojinta ku meel gaadhka ah. 


Sarkaal Falastiini ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Xamaas ay muujisay rabitaan ah in ay la qabsato, halka Israa'iil ay "cagaha jiidanayso sababtoo ah way ka cago jiidaysaa in ay ogolaato joojinta colaadda Gaza." 


Bayaan ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu shaaciyay in David Barnea oo ah madaxa sirdoonka Israa'iil uu la kulmi doono dhexdhexaadiyeyaasha dalka Qatar Jimcaha. 


Horumar la xidhiidha, Israel ayaa ku dhawaaqday inay rajaynayso inay sii socoto hawlgalada militari ee ka dhanka ah cisbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza dhowr maalmood oo kale.  Isbitaalka oo ah goobta kaliya ee ka howlgasha dhanka waqooyi ee deegaanka ayaa waxaa ka socday weeraro muddo afar maalmood ah, waxaana laga dareemay dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Kala soco Somali global news warar, warbixino iyo xogo sugan oo xaqiiq ah.

Tags

Post a Comment

0 Comments