script src='//www.topcreativeformat.com/ Farmaajo Iyo Deni Oo Ka Midaysan Khilaafka Dib U Habaynta Dastuurka
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Farmaajo Iyo Deni Oo Ka Midaysan Khilaafka Dib U Habaynta Dastuurka

 


21 March ( SGN) Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa markii ay gaareen magaalada Garoowe waxaa si diiran garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo muhiim ah, ka hor inta aan loo galbin Madaxtooyada. 


Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada siyaasadeed ee ku xeeran wax ka bedelka dastuurka ee is-afgaradka ku yimid xarunta Villa Somalia, ayaa waxaa wada hadal bilaabay Madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo Madaxweyne Deni. 


Waxaa la fahamsan yahay in wada hadalada Farmaajo iyo Deni ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed iyo mid amni oo heer qaran ah iyo sidoo kale arrimaha la isku hayo ee ku saabsan dib u habeynta dastuurka oo labada mas’uul ay ka soo horjeedaan. 


Taariikh ahaan, Deni iyo Farmaajo waxaa ka dhexeeyey khilaaf siyaasadeed oo aad u weyn, gaar ahaan xilligii Farmaajo uu joogay Villa Somalia.  Deni, hogaamiyaha Puntland, ayaa si gaar ah u hadal-hayey, isla-markaana ku firfircoonaa mucaaradnimadiisa Farmaajo, isaga oo qayb ka qaatay in ugu dambayn uu xilka ka tago. 



Warar ay heshay Garowe Online ayaa horey u sheegay in Farmaajo uu doonayo inuu ku qanciyo Saacid Deni inuu ku biiro koox mucaarad ku ah maamulka hadda talada haya ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo uu abaabulay Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed. 


Diidmada la wadaago ee ku aadan qorshaha dhameystirka dastuurka ee Madaxweyne Xasan ayaa u muuqda qodob muhiim ah oo mideynaya Deni iyo Farmaajo, taasoo laga yaabo inay gogol xaar u noqdaan wadashaqeyntooda. 


Safarka Farmaajo uu ku tagayo Garoowe ayaa ah mid ka dhan ah khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. 


Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee ku meel gaarka ah uu sidoo kale qorsheynayo booqasho uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Post a Comment

0 Comments