script src='//www.topcreativeformat.com/ Fahad yasin Agaasimihii Hore Ee Hay'ada Nabad sugida Iyo Sirdoonka Qaran DFS Ayaa Ka Dayriyay Xaalada Dalku Maraayo Iyo Halka Uu U socdo.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Fahad yasin Agaasimihii Hore Ee Hay'ada Nabad sugida Iyo Sirdoonka Qaran DFS Ayaa Ka Dayriyay Xaalada Dalku Maraayo Iyo Halka Uu U socdo.

 

HARGEISA 30 -MARCH - 2024 (SGN). Hadalkan oo bartiisa Facebook-ga uu ku faafiyay Ayaa Uu kaga Hadlay Xaalada dalka Somalia Uu maraayo Iyo waliba Qorshaha la maagan yahay yahay in la fuliyo. Hadalkan Fahad yasin Ayaa kusoo Beegmaaya xili Uu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisu Ay Go'aansadeen inay Dhamaystiraan Dastuurka Qabi Qoraalka Ee DFS. Hadalka fahad yasin Ayaa u Dhignaa sidan :-


"Waxaan la wadaagayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed hadal taariikhi ah oo xiriir la leh mustaqbalka dalka, waana shirqoolkii ugu halista badnaa oo la fulinayo iyadoo la adeegsanayo maskaxda iyo gacmaha masuuliyiin haya xilal qaran. Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawr jeer isku dayday qorshahan ayaa heshay fursad dahabi ah, waana in dalka Soomaaliya la galiyo qalalaase iyo burbur uusan ka soo kaban karin muddo dheer.



Qorshaha koowaad waa in ciidanka qaranka la wiiqo ilaa uu ka gaaro heer uu burburo, gobol walbana loo dhiso ciidamo u gooni ah. Shirqoolkan sanad iyo barkii u danbeeyey ayaa la waday. Xaaladda uu Ciidanka Qaranku ku suganyahay maantay qofkii xog ogaal ahi kama qarsoona. 

 

Wajiga labaad ee qorshaha Imaaraatka waa in la burburiyo xariga isku haya siyaasadda dalka, waana dastuurka kumeel gaarka ah. Haddii dastuurkaas meesha ka baxo waa buundo loogu sii gudbayo wajiga saddexaad oo ah in maamullada dalka qaarkood ku dhawaaqaan iney goosteen oo ay ku daydaan Somaliland, waxaana diyaarsan laba kamid ah maamul goboleedyada dalka.



Cid walba oo laxaw uu ka hayo midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, waxaa maanta saaran waajib wadani ah, oo ah sidii dalka looga badbaadin lahaa shirqoolkaas halista ku ah jiritaanka iyo wadajirka dalka".

Post a Comment

0 Comments