script src='//www.topcreativeformat.com/ Doodda wax ka beddelka dastuurka Oo weji cusub yeelatay – Madaxweynayal hore Oo..
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Doodda wax ka beddelka dastuurka Oo weji cusub yeelatay – Madaxweynayal hore Oo..

 


Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka. 


Cutubkan oo ka kooban  afar madax ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay madaxa koowaad ee mabaadii'da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo Xildhibaannada Labada Aqal ay soo jeediyeen aragtidooda ku aaddan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee Cutubka Afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad 


Doodda Cutubka Afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan geliyay in ka badan boqol mudane, taas oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay, iyadoo Guddiga La-Socodka Dastuurkana ay diiwaan geliyeen dhammaan hadal qoraallada  iyo Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Post a Comment

0 Comments