script src='//www.topcreativeformat.com/ DEG DEG: Xukunka Taakeeye iyo kooxdiisii Shabakadda Talo-Kunool Oo La Kala Diray
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DEG DEG: Xukunka Taakeeye iyo kooxdiisii Shabakadda Talo-Kunool Oo La Kala Diray

 


25 March ( SGN) Sufyaan Sheikh Axmed Sheikh Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaan Takeeye, ayaa lagu eedeeyay inuu aasaasay urur loo bixiyay Talo-Kunool. Kooxdan ayaa lagu dhaliilay inay faafiso fikrado halis ah oo ka dhan ah aasaaska diinta, dowladda, iyo hoggaankeeda, iyadoo sidoo kale taageero u muujisay falalka argagixisada. 

Xariga Takeeye waxa uu ka dhacay iskaashi sirdoon oo dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya taariikhdu markii ay ahayd 28-da Sebtember, 2023. Asalkiisu waa professor dhanka xiriirka dadweynaha ah oo muran dhaliyay sababtoo ah wuxuu dhiirrigelinayay fikrado xunxun, isagoo isku dayay inuu soo jiito taageerayaal ururka Talo-Kunool. 



Yassin Axmed Maxamed Cabdulle, oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa lagu helay inuu ku faafiyay hadallo ka dhan ah dowladda online-ka isagoo taageero u muujiyay Takeeye iyadoo loo marayo WhatsApp, gaar ahaan xilligii Takeeye la qabtay 28-da Sebtember, 2023. 

Shaqsiga kale, Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur, oo loo yaqaan Sandheere, ayaa ku lug lahaaday wareegga Takeeye ee online-ka. Wuxuu isku dayay inuu khiyaameeyo ciidamada amniga isagoo sheeganaya inuu yahay qof ka soo goostay Khawaarij, taasoo keentay xarigiisa 20-ka Diseembar, 2023. 

Kadib baaritaan dheer, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S. ayaa codsaday in kiiskan la tuuro, codsigaas oo la aqbalay 14-ka bishan. 

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada kiiska, ayaa maanta go'aan soo saaray. Waxaa sidoo kale laga saaray Axmed Maxamed Cabdulle Ciidanka. 

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay sii deynta Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere). 

Macluumaadkan waxaa saxaafadda u sheegay Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah Madaxweynaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Post a Comment

0 Comments