script src='//www.topcreativeformat.com/ Ciidamada DF oo howlgal ku dilay horjooge AS ah Maracadde iyo Kooxdiisa
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay horjooge AS ah Maracadde iyo Kooxdiisa

 


Somali Global News - Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xarardheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul. 


Howlgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay joogaan Khawaarijta, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon oo si wayn ay isugu dubbaridideen, kaas oo ujeedku ahaa in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay Goballadaas. 


Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiy Horjoogihii ay beegsanayeen kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud. 


Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu ay u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ab oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo ay wateen. 


Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere.

Post a Comment

0 Comments