script src='//www.topcreativeformat.com/ Ciidamada badda Hindiya ayaa gacanta ku dhigay burcadbadeed Soomaali ah oo saarnaa markab xamuul oo Ruen ah
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Ciidamada badda Hindiya ayaa gacanta ku dhigay burcadbadeed Soomaali ah oo saarnaa markab xamuul oo Ruen ah

 


Somali Global News - Afhayeen u hadlay ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu soo qabtay kana dalbaday burcadbadeedda Soomaalida inay isku soo dhiibaan markabka la afduubay ee Ruen.

Burcadbadeeda oo la rumeysan yahay inay gacanta ku dhigeen markabka xamuulka qaada ee ka diiwaan gashan Malta 14-kii December, ayaa waxay rasaas ku fureen maalin ka hor markabka ciidamada badda Hindiya ee marayey biyaha caalamiga ah, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada badda oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Ciidamada badda ayaa soo saaray baaq ay ugu baaqayaan burcad badeeda in ay faraha kala baxaan, iyaga oo ujeedkoodu yahay in la sii daayo markabka iyo cid kasta oo aan ka tirsanayn markabka. Waxaa la tuhunsan yahay in burcad-badeedda Soomaalida ay u adeegsadeen markabka Ruen, oo la qabtay bishii December, si ay u qabtaan markab xamuul oo ka babanaya calanka Bangladesh meel u dhow Soomaaliya horraantii toddobaadka, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada badda Midowga Yurub Khamiistii.

Ka hor inta aan la qaban markabka Ruen, burcad badeeda Soomaalida ayaan ku guuleysan afduubka markab ganacsi tan iyo sanadkii 2017-kii. Saraakiisha Hindiya ayaa ku waramaya in tan iyo Disembar, ay jireen ugu yaraan 17 dhacdo oo ku lug leh afduub, isku day afduub, ama dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay duubeen ciidamada badda Hindiya. Iyadoo laga jawaabayo khatarta burcad badeedda, Hindiya waxay dhigtay in ka badan 12 markab oo dagaal ah bariga badda cas tan iyo bishii Jannaayo, taas oo sare u qaadaysa ammaanka gobolka, waxayna baaritaanno ku samaysay in ka badan 250 markab.

Post a Comment

0 Comments