script src='//www.topcreativeformat.com/ Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ka hadlay dilka muwaadin katirsanaa howlwadeenada hay'ada duulista Hawada.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ka hadlay dilka muwaadin katirsanaa howlwadeenada hay'ada duulista Hawada.


HARGEISA, 19 FEB, 2024 ( SGN) - Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ka hadlay dilka muwaadin katirsanaa howlwadeenada hay'ada duulista Hawada.


Dilkan Ayaa Waxaa Ayaa Shaki Badan Ku Gadaaman yahay Maadaama Ninkan lagu Dilay Garoonka Moqdisho Gudeheeda.Taas oo la arkay in Marxuumka Maydkiisa  Lagu Arkay Dhaawacyo Siday Ay Sheegeen Dadkii Ehelda ahaa ee Maydka Arkay.


Sababtan Ayaa Keentay In Ehelada Marxuumku Diidaan In La Arko In La Aaso  Maadaama Nabaro Ku Yaalaan Jidhkiisa. Kuwaas oo Dalbaday In Baadhitaan La Mariyo Wiilkooda Si Ay u Ogaadaan Dhaawacyadan Ka Muuqda Jidhkiisa.


Marxuumka Ayaa Deegaan ahaan Kasoo Jeedaa Somaliland, Kuwaas Oo Ay Sheegeen Eheladiisu In Aan Maydka La Aasin Oo Loogu Keeno Dalkooda Si Ay Halkan Ugu Aastaan.
 

Dhanka Kale waxaa Ka Hadlay Dilkan Xukuumada Somaliland Taas Oo Sheegtay In Dilkan Ay Ka Danbaysay Haayada Sirdoonka Ee NISA, Taas Oo Ay Sheegeen In Lagu Saleeyey Dilkiisii Inuu Qayb Ka Ahaa Khalkhalkii Ku Yimi Hawada Diyaaradaha Maalmihii Dhawyd waa sida ay Hadalka u Dhigeene.


Dhankale Kale Waxaa Dilkan Iyaguna Ka Hadlay Xildhibaanada Somalia Ee Kasoo Jeedaa Deegaan ahaan  Somaliland Kuwaas Oo Yidhi Waa In Marxuumka Baadhitaan Lagu Sameeyaa Kadibna Cidii Falkaas Gaystay Waa In Sharciga La Hor Keenaa.


Waxaana Ka Mid ah Xildhibaanada Ka hadlay Xildhibaan Mahdi Guleed Oo Ahaa Raysal Wasaare ku Xigeenkii Hore ee DFS Somalia. 

Post a Comment

0 Comments