script src='//www.topcreativeformat.com/ Wadada Oodweyne oo xukuumaddu markale sheegtay in laguda galayo qorshaheedii
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Wadada Oodweyne oo xukuumaddu markale sheegtay in laguda galayo qorshaheedii

 


HARGEISA,  27 FEB 2024 - ( SOMALI GLOBAL NEWS ) - Wadada Oodweyne oo xukuumaddu markale sheegtay in laguda galayo qorshaheedii.


“Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka  Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa maanta kulan lagu bilaabayo shaqada diyaarinta bilawga Daraasada Mashruuca Wadada Hargeysa-Oodweyne-Burco oo maalgelintiisa leedahay Baanka Horumarinta Afrika(AFDB).
 

Kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay Guddida Mashruucaasi maamusha, Shirkadda ku guulaystay Mashruucan ee STUDI INTERNATIONAL iyo Shirkadda ILS Group oo wada shaqayn la leh shirkadaasi.
 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka   mudane Saleebaan Cawad Cali oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirkadan mashruucan ka masuulka ah una rajeeyay in ay sida ugu hufan heshiiskan daraasada uga soo dhamaystiri doonaan iyo waqtigiisaba.


Maxamed Xaashi oo ka socda ILS Group iyo Gudoomiyaha Shirkadda Studi International Maxamed Majdi  ayaa iyaguna dhankooda balanqaaday in ay ku fulin doonaan daraasadan waqtigii loogu talogalay”

Warkan oo Qoraala Ayaa Lagu Baahiyay Warbaahinta wasaarada gaadiidka Ee JSL.

Post a Comment

0 Comments