script src='//www.topcreativeformat.com/ Somaliland Oo Ka Hadashay Dilkii Loo Abdinasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Shaqaaihii ICAO Ee Garoonka Moqdisho.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Somaliland Oo Ka Hadashay Dilkii Loo Abdinasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Shaqaaihii ICAO Ee Garoonka Moqdisho.

HARGEISA, 19 FEB, 2024 (SGN) - Xukumada Somaliland oo war kasoo saartay Muwaadin Somalilander-ah oo ku sugnaa Muqdisho oo la tuhunsan yahay in shirqool lagu dilay.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dilka Muwaadin cabdinaasir Muuse Dahable.

Caawa xili danbe ayaa laga furfuray hay'ada sirdoonka NISA oo diidanayd in Maydka Cabdinaasir Muuse Dahable oo gurigiisa lagu dhex dilay   la geeyo cisbitaal si baadhis dheeriya loogu sameeyo.


Sida uu noo xaqiijiyay Garyaqaan Fahmi Dr. Cali oo ay Ilmaabti ahaayeen ALLE ha u  naxariistee marxuumka, waxa uu sheegay in ay ka muuqdeen nabaro, waxana qoorta kaga xidhnaa xadhigii lagu dilay.


 Waxa quburadii aragtay Maydka xadhiga marxuumka cunaha kaga xidhan  ay sheegeen in  ay haya'ada NISA u adeegsato dilalka qorshaysan ee ay u geystaan dadka ay tuhmaan.


Sida Garyaqaan Fahmi uu noo xaqiijiyay waxa ka hor inta aan marxuumka la dilin la hadlay xaaskiisa iyo walaashii kuwaasi oo ay midba marar kala duwan wacday, haseyeeshee uu mar walba u sheegaayay in lala joogo oo aanu la hadli karayn.


Xildhibaano ka mid ah kuwa ka soo jeeda Somaliland ee Muqdisho jooga, ayaa culaysku saaray hay'ada NISA in maydka marxuumka la geeyo cisbitaal, taaso oo ay markii hore hay'ada NISA doonaysay in si degdeg ah loo aaso.


Warar dheeraad ah oo Muqdisho ka soo baxaaya ayaa sheegaaya in muwaadiniinta Somaliland u dhalatay ee ka hawlgala madaarka Muqdisho looga shakisan yahay in ay Somaliland la soo wadaageen koodhadh sir ah oo ay hay'ada duulista Somaliland u isticmaashay la soo wareegida hawadeeda, waxana dhalinyaradaasi arrinkan looga dhigaayay cabsi gelin iyo ciqaab ay wada sugayaan oo ay ha'ada sirdoonka iyo tan duulista hawada ee Soomaaliya ay u balan qaadeen inta kale in ay mari doonaan dil kan la mid ah haddii arrinkan mar kale ay Somaliland hesho.”


 - Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Post a Comment

0 Comments