script src='//www.topcreativeformat.com/ Somaaliland Oo U jihaystay Dhabadii Doorashooyinka.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Somaaliland Oo U jihaystay Dhabadii Doorashooyinka.


HARGEISA, 18 FEB 2024, ( SGN) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerkii Doorashooyinka ee Maalinkii shalay usoo Gudbiyeen Gollaha Guurtidu.

Fadhigan Saaka Ee Gollaha Wakiilada Ayaa Waxaa Soo Xaadiray Xildhibaano Aad u tiro badan kuwaas oo Tiro ahaan gaadhaayay ilaa 71 xildhibaan.  Xildhibaanadan Ayaa laga dareemayay Xamaasad iyo danayn badan inay xeerkan Ansixiyaan maanta.

Waxaa Hore Ay u ansixiyeen Xeerkan iyagoo wax ka badalkii gollaha guurtidu ku sameeyeena diiday.Taas oo Keentay in Madaxweynuhu dib usoo celiyo xeerkan maadama wax ka badalkii Gollaha guurtidu sameeyeen lagu diiday cod aqlabiyad ah. 


Xeerkan Doorashooyinka Ayaa khilaaf ka dhex abuuray labada golle ee Wakiilada iyo Gollaha Guurtida. Taas oo keentay in labada shirgudoon Ay yeesheen fadhiyo gaara oo ay khilaafkan kaga heshiinayaan. Kadib markii Ay labada golle ka heshiiyeen Xeerkan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay labada shir guddoon kuwaas oo bulshada u caddeeyey in laga heshiiyey wax ka badalkii xeerkii Doorashooyinka.


Hadaba maalinkii shalay Ayaa waxaa ay gollaha guurtidu Ku ansixiyeen Xeerkan Doorashooyinka cod aqlabiyad ah taas oo ay u codeeyeen 66 xildhibaan sidaasina Ay ugu gudbiyeen isla shalayba gollaha Wakiilada si ay iyaguna usii ansixiyeen.

Hadaba fadhigii aan caadiga ahayn ee saaka Gollaha Wakiilada yeesheen waxaa loo qabiyay xeerkii Doorashooyinka si ay uga doodaan marka hore,  kadibna waxaa ogolaadey 59 Xildhibaan halka ay 12 kamid ahna diideen yo Gudoomiyuna ma codeyn.


Maadama ay ansixiyeen Xeerkan Doorashooyinka gollaha Wakiiladu waxay maanta ama berriba u gudbinyaan Madaxweynaha Qaranka si uu isna uga guto waajibkiisa qaran ee ka saaran xeerkan. Hadii Madaxweynuhu ku ansixin waayo mudo 21 gudahood Xeerkan waa dhaqan galayaa sida uu shirgudoonka gollaha Wakiiladu hore u sheegay.

Si kastaba ha ahaatee xeerkan Doorashooyinka ayaa khilaaf darani ka taagnaa ilaa maalinkii uu dhamaaday mudo xileedkii Madaxweynaha Somalilnad taas oo ku beegnayd 13 Nov 2022, kadib markii gollaha guurtidu ay Madaxweynaha ugu kordhiyeen labo sano halka iyaguna ay kordhisteen 5 sano.

Xeerkan Doorashooyinka ayaa u muuqdo mid soo dhamaanaaya oo laga heshiiyey maadama labadii golle ansixiyeen kaliya Madaxweynaha la sugaayo inuu ansxiyo.

Post a Comment

0 Comments