script src='//www.topcreativeformat.com/ Xilidhibaano Ka Tirsan Baarlaamka Ethiopia oo Booqday Xarunta Taliska Ciidanka Bada Bada. Maxay Kawada Hadlee.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Xilidhibaano Ka Tirsan Baarlaamka Ethiopia oo Booqday Xarunta Taliska Ciidanka Bada Bada. Maxay Kawada Hadlee.


Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamabka Ethiopia ayaa booqday Xarunta taliska Ciidanka Badda ee Ethiopia, Halkaasi oo kulan kula yeesheen Taliska ciidankaasi.


Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Itoobiya Admiral Naasir Aba Diga, ayaa xildhibaanada u sheegay in ciidanka Baddu yahay ciidan dhawaan la sameeyay oo diyaar u ah in uu guto waajibaadkii loo asaasay.

Booqashada Xildhibaanada ayaa ku soo beegantay xilli ay Somaliland iyo Ethiopia ay wadagaleen heshiis badda ku saabsan, heshiiskaasi oo ay Soomaaliya gaashaanka u daruurtay, kuna furtay duufaan diblomaasiyadeed oo diidmo ah.

Dhanka kale shacabka iyo dadka ku dhaqan ayaa iyaguna kasoo horjeestay heshiishkaas is afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Ethiopia. Laba maalin ka hor ayay ahayd markii uu is casilay Wasiirkii Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Kaasoo Isaguna ka Hor yimi Heshiishkaas kiraynta iyo Saldhiga militari.

Sidoo kale waxaa iyaguna aad uga biyo diiday Xildhibaano Kasoo jeedaa gobolka Awdal kuwaas oo Ka Hor yimi Heshiishkaas iyagoo ku Tilmaamay Inaanay Aqbalyn In dekadooda laga Kireeyo Ethiopia.

Post a Comment

0 Comments