script src='//www.topcreativeformat.com/ Xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka DFS ayaa u codeeyey habraaca ansixinta wax ka bedelka Dastuurka.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka DFS ayaa u codeeyey habraaca ansixinta wax ka bedelka Dastuurka.


Shir guddoonkii Aan caadiga Ayan Ee Ay Yeesheen Labada Aqal Ee Baarlaamka Federaalka Somalia Ayaa Furmay Saaka Iyadoo Xildhibaano Qaar Aanay Soo Xaadirin. Xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka DFS ayaa u codeeyey habraaca ansixinta wax ka bedelka Dastuurka.


Waxaa ogolaaday habraaca ansixinta wax ka bedelka Dastuurka 180 Xildhibaan halka ay diideen 30 kale waana sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Qodobada wax ka badalka lagu saamayn rabo waxaa kamid ah nidaamka maamul ee dawlada sida in meesha laga saaro Ra'izul Wazaare dalkuna uu yeesho madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen.

Tallabadaan waxaa ka dhashay guux xoogan iyadoo ay qayla dhaan ka muujiyeen mucaaradka waxayna Villa Soomaaliya uga digeen cawaaqib xumo ka dhalankarta hadii tallabadaasi la qaado.

Furista Dastuurka Ayaa Waxaa Ka Taagnaa Isdiidooyin Xoogan Oo Xaga Maamuladaa.Halkaas Oo Ay Maamulada Puntland Ay Aad Uga Biyo Diidanaayeen Waxkabadalka Iyo Furista Dastuurka DFS. Waxaa La Eegi Doonaa Bal Jawaabta Ay bixiyaan Mucaaradka Iyagoo Aad Uga Biyo Diidan Furista Dastuurka.

Hore Ayuu Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Muddane Xasan Sheekh Maxamuud Uu U balanqaaday Inuu Furaayo Dastuurka oo Uu Dhamaystiraayo, Waxaanu Uu Ilaa Hada Wadaa Ka Midho Dhalintiisii Ahayd Inuu Dhamaystiro Dastuurka DFS. 

~ Somali News Agency -SNA

Post a Comment

0 Comments