script src='//www.topcreativeformat.com/ Waxay Ahayd Ka Hadlaysay Warqadii Uu Qoray Boqorkii Xabashida Ee Mililig Ee uu U Diray Boqorkii Talyaaniga Ee Umbeerto1 ?
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Waxay Ahayd Ka Hadlaysay Warqadii Uu Qoray Boqorkii Xabashida Ee Mililig Ee uu U Diray Boqorkii Talyaaniga Ee Umbeerto1 ?

 

Ka: Mililig, boqorka Shawa, Kafa,  Harar iyo shucuubtooda iyo Shacabka Gaalla.

Ku:  Boqor Umbeero 1aad, boqorka Talyaaniga. Waan ku salaamay.

Waxaan u qoray qunsuliyadaha Talyaaniga ee Cadan iyo Casab, in aan bishii Jeenawari qabsaday HARAR  oo aan xabsiga ka sii daayey dhammaan maxaabiistii reer Yururb.

Sababta aan dhakhso kuugu soo sheegi waayey, waxay ahayd, in aan filayey in ay maxaabiistaasi, warka idin soo gaadhsiin doonaan.

Waxaan kuugu celinayaa hambalyada qabsashada  Harar ee danta u ah ganacsigeenna. Waxaa jira in macaash weyni ugu jiro labada dawladood ee Shawa iyo Talyaaniga.

Si kastaba ha ku dhacdee, in SAYLAC gacanta la ii soo geliyo,  waxay ka yeelaysaa dhaqdhaqaaqa  dhammaan ganacsiga  ka jira Harage, Caruusa, Kambaata, Jimma iyo Kafa, mid gacanteenna ku jira. sababtoo ah  ganacsiga gobolladaas oo dhami waxay maraan SAYLAC.

Sidaa darteed, waxaan rajaynayaa in aad xoog kaga barakicisaan cidda joogta, aniga dartay.

In kasta oo aan garanyo in arrinkani idinku dhib badan yahay, haddana waxaan ku yididiiloonayaa in ubadka/shacabka Itoobiya ay ku sheekaystaan in dekedda SAYLAC  ay gacantooda soo gashay  xilligii boqor Umbeerto, dabadeedna ay dawladuhu isu gudbiyaan taariikhdaas.

Taariikh: April 1888


Waana kuwan Waraaquhu 



Waraaqan ayaan ku Qornaa Afka Carabiga oo Wakhtigaas Ugu Awood Badnaa Waxkasta. Bal Hadaba Akhriso Waxy Warqadani Daaranayd ee ka Hadlaysay.

Post a Comment

0 Comments