script src='//www.topcreativeformat.com/ Wasiirkii Hore Qorsheynta Somaliland Cawaale Shirwac Ayaa Markii Ugu Horeeyey Ka Hadlay Heshiishkii Is-fagarad Ee Dhex Maray Ethiopia Iyo Somaliland.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Wasiirkii Hore Qorsheynta Somaliland Cawaale Shirwac Ayaa Markii Ugu Horeeyey Ka Hadlay Heshiishkii Is-fagarad Ee Dhex Maray Ethiopia Iyo Somaliland.


Maxaa Sababay in Madaxweyne Muuse Biixi bixiyo dhul iyo bad wakhtigan oo SOMALILAND Dekad caalamiya dhisatay?

Waxan rumaysanahay madaxweyne Muuse Biixi weligii meesha ma soo dhigan, mana rabin in uu dhul ku bedesho ictiraaf iyo aduunyo (shares ) shirkadeed midna. Inta yar een ka bartay wakhtigii aan la shaqeeyay, muu ahayn nin jecel in Somalilada dhibaheeda iyo duruufaha dhexdooda umada kale soo dhex galaan. Iska daa dhul ama bad uu SOMALILAND ka bixiyee, waxa aan ka dareemi jiray in aanu ku faraxsanayn dhulka Dawlada Somalida ee dawlado kala duwani ay mid walba dhowr gobol ka taliso.

Hadaba waxa ah in la is waydiiyo, Ethiopia codsigeeda marin badeed ma cusbayn, mar kasta wuu taagnaa, Maxaa hada bedelay, waa maxay duruufaha ku kelifay madaxweyne soo ahaan jiray Colonel Ciidan military, taariikho baddan haya in uu hal mar 360 degree is bedelo oo ogolaado in uu go’aan intaa leeg qaato.

Anigu Xog gudaha ah ma hayo, waxan isku deyayaa in aan tab taabto arimo dadkoo dhanba u muuqda balse aanay dadku isku xidh xidhi karayn , oo aan filayo in ay madaxweynaha ku khasbeen in uu heshiiskan adag aqbalo.

1) Ethiopia waxay wakhti dheer ahayd saaxiib ka ugu dhaw ee ay Somaliland leedahay, waxay ahayd marinka ugu weyn ee SOMALILAND u marto aduunyada, Xuduud dheer oo nabadgelyo ka jirtana SOMALILAND way la lahayd Ethiopia.
2) Xidhiidh diblumaasiyadeed iyo mid nabad gelyoba way la lahayd SOMALILAND dalka Ethiopia, oo ay qayb ka tahay iskaashiga xaga amniga. Waxa kale oo Ethiopia ka caawin jirtay dhinaca tababarada milatariga mudo dheer.
3) Corridor ka ama Magaaalada Wajaale waxay mudo dheer ahayd xudun ganacsi, oo dhaqaalaha Somaliland wax badan ku soo kordhisa.
4) SOMALILAND waxay ethiopia ka qayb gelisay lahaanshaha dekada berbera oo 19% baa la siiyay Ethiopia.

Hadaba maxa is bedelay:

Waxa aan qarsoonayn in sanadihii u danbeeyay xidhiidh ka SOMALILAND iyo Ethiopia 🇪🇹 xumaanayay. Waxyaabaha sababay in xidhiidh ku xumaado waxa aan ka xusi karnaa oo igu weyn, Abbi Ahmed iyo Farmaajo oo si aad ah iskugu soo dhawaaday, taas oo keentay in Somaliland dib uga joogsato xidhiidh ka Reysal Wasaaraha Ethiopia. Waxa madaxweynaha SOMALILAND mucjiso ku noqday Abbi Ahmed oo ay ka muuqatay in uu Somalia Iyo SOMALILAND heshiisiiyo, taas oo xitaa gaadhay in uu Abbi Ahmed si lama filaan ah hargeysa uga soo degi gaadhay isagoo farmaajo na wata, balse Madaxweyne Biixi arintaa wuu ka gaws adaygay.

Maalintaa laga bilaabo xidhiidh ka labada hogaamiyo hoos buu u sii dhacayay. Ta kale eels jirta waxa weeyaan, Ethiopia Iyo Abbi waxa ay galeen dagaal, dagaalkaas oo ay la galeen “Tplf” Tigray, SOMALILAND waxay u muuqatay dawlad Iyo shacbiga in ay dareen ahaan garab siinayeen Tigray ga.

Dawlada Ethiopia waxay culays saartay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ka socday Wajaale. wax badan oo xaga ganacsiga ah ayaa hoos u dhacay Wajaale, waxa nay ahayd arin kor ka imanaysay.

Sanad kii hore waxa SOMALILAND colaado kaga kaceen LAASCAANOOD, dawlada Somaliland waxay ka cabatay in shirar iyo ababa ulo ka dhaceen DDS Magaaalada Jigjiga. Sida caadadu ahaan jirtay, Ethiopia may ogolaan jirin in ay dalkeeda ka dhacaan shirar wax lagu yeelayo amniga SOMALILAND. Arintani waxay dawlada SOMALILAND dareensiisay in xidhiidh ka Ethiopia uu gaadhay meel aad u hoosaysa.

Abbi ahmed Iyo dawladiiisu waxay si aan fiicanayn uga baxeen heshiiskii ahaa in ay dekada berbera 19% yeeshaan. Taas oo sii xoojisay dareenkii ahaa in xidhiidh ka Ethiopia Iyo SOMALILAND uu ka sii darayo uun.

Arinta ugu denbaysay ee xidhiidhka labada hogaamiye iyo labada dal muujisay in uu meel hoose marayo waxay ahayd markii dad ka soo hor jeeda jiritaanka SOMALILAND ay si xor ah Shirar ugu qabsadeen marar badan hotelada waaweyn ee Adis Ababa. Waxa kale oo la baahiyay Reysal wasaaraha oo la kulmay Ugaas Abdirashiid oo ka soo hor jeeda jiritaanka SOMALILAND.

Waxa sidoo kale fariimo is daba jooga Adis ababa ka soo diri jiray Garaaadkii hogaaminayay dagaalka LAASCAANOOD oo si xor ah hotelada waaweyn Fariimaha ka soo diri jiray.


Ugu danbayn waxa mudo 6 bilood laga joogo qiyaas ahaan warqad u soo qoray dawlada itoobiya koox ka soo jeeda SOMALILAND oo shir ku qabsaday 🇨🇦 Canada, shirkaas oo uu ugaas Abdirashiid ka qayb galay. Kooxdaa Awdal State waxay warqada ku qoreen in ay Ethiopia siin doonaan dekada Saylac ama Lughaya.

Hadaba waxa halkaa dawlada Ethiopia uga soo kordhay arin cusub oo ay ku xoojin karaan codsigoodii ay Somaliland’ inta badan kala hadli jireen ee ahaa “Access to Sea” ama meel ay bada ka galaan. Waxana ay si toos ah ama dadbanba u dareensiiyeen Somalia Iyo SOMALILAND ba in ay wada shaqayn la yeelan karayaan Awdal State, xitaa ha noqoto in ay si aan toos ahayn ay u dareensiiyeen SOMALILAND.

Intaa waxa dheeraa in xidhiidhka wada shaqayneed uu hoos u sii dhacayay. Waxa taas tusaale u noqon karta, SOMALILAND waxay bishii 10 naad u magacawday safiir cusub Dalka Ethiopia, sida wararku sheegayaan safiirkaa cusub waraaqihii aqoonsiga wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia kamay qaban, mudo dhawr bilood ah, ilaa maalmo yar ka hor markii heshiiiskan la gaadhay ee madaxweynuhu booqday Adis Ababa.

Arimahaas aan kor ku sheegay oo dhami waxay madaxweynaha SOMALILAND saartay Culays iyo Cidlayn, Xaga diblomaasiyada ah. Waxa taas u sii dheeraatay Moqdisho oo wax ka bedeshay la macaamilkii Gobolka Sool ama SSC khaatumo.

Madaxweynuhu isaga oo ka baqay in wax kasta ka suurto geli karaan Abbi Axmed, oo isticmaali karo ugaaska Gadabuursi iyo Awdal state si uu u gaadho Saylac, waxa u gudboonaatay in uu reer Awdal gudaha aad ula heshiiyo oo uu Iska dhego tiro khatarta ka soo cusboonaatay Adis Ababa ee ku wajahan Saylac iyo xeebaha iyo in uu isagu isku maqiiqo oo uu heshiis, siduu doono ha u xanuun kululaadee uu isagu heshiis la galo Abbi Ahmed, waayo madaxweynuhu wuxuu wali la daalaa dhacayay dhib tii ka soo gaadhay LAASCAANOOD, umanuu diyaar ahayn hawl gal kale oo uu ka galo xeebaha iyo Xadka Ethiopia ee ku beegan Saylac iyo Lughaya.

Sida ay iila muuqato Madaxweyne Muuse Biixi Waxa inspiration u noqday, safar kii Anwar Al Sadat uu kaga degay Telaviv Israel ee kula soo heshiiyay yuhuuda isagoo aamini waayay dawladihii carabtoo dhan. Madaxweyne Muuse isagoo sidoo kale aamini waayay Madaxdii kale ee Somalida ahayd, ismaciil Omar geele, Hassan sheeekh, iyo Puntland waxa uu go’aansaday in uu aqbalo wax aanu marnaba aqbaleen balse duriuuftu ku kelifayso taas oo ah in uu ogolaado in uu noqdo madaxweynihii u horeeyay mandaqada ee dalka Ethiopia si Nabada ugu ogolaada in ay helaan wax ay ku hamiyayeen boqolaal sanadood taas oo ah in ay Bad helaan.

Waxa ugu weyn ee uu codsadayna waxay ahayd in Ethiopia aqoonsi siiso SOMALILAND, siday u muuqato maadaama Ethiopia ay heshay bad iyo waliba dhulka ay bada u marayso iyo waliba in arintaa si ay Abbi ka dhigi doonto Hogaamiyihii ugu caansanaa ee Ethiopia bad u sameeya, Ethiopia way ogolaatay in ay “Diplomatic Upset” ku samayso saaxibadeeda African ah.

Sidaaas bay SOMALILAND aqoonsi ku helaysaa, aqoonsi Wadan siiyo ( Ethiopia 🇪🇹).
Sidaas bay na Ethiopia ku helaysaa Badii ay ilaa Mililik raadinayeen..

Qore: Cawale Ibrahim Shirwac

Post a Comment

0 Comments