script src='//www.topcreativeformat.com/ WAA MAXAY SABABTA KA DANBAYSA IN UU XILKA TAGO WASIIR CAATEEYE EE UU ISKU CASILAY. ?
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

WAA MAXAY SABABTA KA DANBAYSA IN UU XILKA TAGO WASIIR CAATEEYE EE UU ISKU CASILAY. ?

 

Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland muddane Cabdiqani caateeye fariid ayaa xilka wasiirnimo ee xukuumada iska casilay shalay, sida uu waraysi uu Horyaal TV ka bixiyey uu ku sheegay wasiirku inuu Xilkaas Ka Tagay.

Wasiir Cabdiqani Ayaa Xilka Hayay Muddo Dhan 7 sanadood Taas oo Xukuumadihii Kala Danbeeyey Ee Siilaanyo Iyo Muuse Biixi ba Uu Lasoo Shaqeeyey. Laakiin Uu Maanta Laga Bilaabo Xilkaas Baneeyay oo Iskaga Tagay Lana Dareen Yahay Dadkiisa Iyo Shacabkiisa uu Xilkan Ku Matalaayay.

Caateeye Ayaa Hayb Ahaan Kasoo Jeeda Beesha Ciise Taaso oo Dagta Gobolka Salal gaar ahaan Saylac ilaa Lugyaha.  Beesha Magaalooyinka Degta Ayaa Si Weyn Uga Biyo Diiday Kiraynta Dekada Saylac iyo Saldhiga Militari Ee Laga Siiyay Gobolka Awdal gaar ahaan Degmada Lughaya Taas oo Uu isna Diiday Sida uu Ku Sheegay Waraysigiisa Dareenkana La Qabo  Dadkiisa.

Markii La Waydiiyay Wasiir Caateeye Waa Maxay Sababta Aad Xilka Uga Tagtay Ee Aad Kugu Kalifay ?

Waxaa uu ku Jawaabay Madaxweynaha Ayaa Ii Yeedhay oo Arinta Dadka Aan Matalo Iagala Hadlay oo I Yidhi Dadkaaga Lasoo Hadal oo Deji Kuna. Ana Waxaan idhi Dadkaygu Way Sax sanyihiin Madaxweyne Oo Xaqbay U leeyihiin Inay Diidaan In Xabashi iyo Oromo Soo Degto Dhulkooda. Waxyaabahas Madaxweynaha waanu Isku Mari Waynay Waxanan ku Idhi Anba Waan la Qabaa Dareenka Shacabkayga.

Wasiirku Waxaa Uu Intaas Ku Daray Inaanay Aqbalyn in Ethiopia Soo Degto Lughaya iyo Saylac toona Iyo Guud ahaan Dhulka Soomaaliyeed Meelkasta Oo ay Dagan yihiin. Waxaanu Aad Uga dariyey Wasiirku In Ethiopia Rabto Dekad ay Leedahay Oo ay yeelato. Taasina Ay Tahay Khatar Kusoo Socota Shacabka Soomaaliland Gaar Ahaan Dadka Deegaanadaa aan Ka kasoo Jeedo Dega.

Dhankale shacabka iyo Dhalinyarada Degmada Lughaya ee Ah Meesha Ay Somalilnad Ka Kiraysay Ethiopia Ayaa Aad Uga soo Horjeesaday Iyagoo Dhigay Banaan Baxyo Waaweeyn oo Balaadhan Taas Oo Ay Lahaayeen Ama Ku Dhawaaqaayeen "Baddeenu Iib Maah". Waanan Difaacaynaa Dadayda oromo iyo Xabashina Masoo Degi Doonaan.

Post a Comment

0 Comments