script src='//www.topcreativeformat.com/ Taliyaha CXS Heegan Galiyay Ciidanka Booqdayna Xerada Tababarka Ee Turkisom
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Taliyaha CXS Heegan Galiyay Ciidanka Booqdayna Xerada Tababarka Ee Turkisom

 

SNA 15 jan -  Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.


Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidanka XDS ee dagaalka kula jiro  kooxaha Argagixisada.

Kormeel ayuu Taliyuhu ugu tegay Ciidamo loo diyaarinayo difaaca dalka oo tababarro kala duwan lagu siinayo xerada Turkisom.

Labaadan ayaa Imanysaa Xili Labada Dal Ee Somalia iyo Ethiopia Wuu Xidhiidhkoodu Sii Xumaanayo Kadib Markii Ay Ethiopia Ay Heshiish Is afgarad Ay la Saxeexatay Somaliland. Taas oo Ay aad Uga Biyo Diiday Dawlada Somalia Heshiishkaas Kuna Amartay Ethiopia Inay Heshiishkaas Ay Ka Laabato.

Dhankeeda Ethiopia Ayaa Heegan Buuxa Galisay Ciidankeeda Militariga Sida Ay Baahiyeen Masuuliyiin Sare Sare Oo Ka Tirsan Ethiopia. Taas oo Hada U muuqata Inay Labada Dawladood Gaadhsiin Karta Inay Gacan Ka Hadal Gaadho Arintu Oo ay Isku Dhacaan. Dhankeeda Ethiopia Ayaa sheegtay Inaanay Gorgortan Ka Galayn Heshiishkaas Ay Somaliland La Gashay Fulinyso Socodsiintiisa.

Ilaa Hada Lama Hayo Waddamo Soo Kala Dhexgalay Arintan Ka dhex taagan Labada Dal Ee Somalia iyo Ethiopia.

Post a Comment

0 Comments