script src='//www.topcreativeformat.com/ Madaxweynaha DDS Oo Markii Ugu Horeeysay Ka Hadlay Heshiishkii Is-fagarad Ee Dhex Maray Ethiopia Iyo Somaliland.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Madaxweynaha DDS Oo Markii Ugu Horeeysay Ka Hadlay Heshiishkii Is-fagarad Ee Dhex Maray Ethiopia Iyo Somaliland.

( SNA) 13 jan - Madaxweynaha DDS Oo 12 Maalmood Kadib Ayaa Ka Hadlay Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland oo 1dii January ay magaalada Addis Ababa ku kala saxeexdeen Ra'iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Muuse Biixi.


Mustafe Cagjar oo la is-weydiinayay sababta uu uga aamusay heshiiskan oo ay soo dhoweeyeen madaxweyneyaasha deegaannada Itoobiya, isla markaana ay soo baxayeen warar is-khilaafsan ayaa maanta muuqaal uu soo duubay laga sii daayey telefishanka ku hadla afka dawladda deegaanka Soomaalida.


Madaxweyne Cagjar waxa uu sheegay in heshiiskan ay faa'iido ugu jirto shacabka Deegaanka Soomaalida, isla markaana ay yihiin kuwa ugu horreeya ee ka faa'iidaysanaya isla markaana dekedda ay Itoobiya ka samaysanayso Badda-Cas (Waa sida uu hadalka u dhigay e) laga dhoofin doono xoolaha Deegaanka Soomaalida, sidoo kalena ganacsi iyo furfurnaan ay ka heli doonaan.


Hadalka Madaxweyne Cagjar oo u muuqda mid ku yimid cadaadis la-saaray marka la eego sida uu usoo habsaamay, ayaa waxa toddobaadkii u dambeeyey soo baxayay warar sheegaya inuu telefoonka kula hadlay Ra'iisal Wasaaraha Soomaalida Xamse Cabdi Barre oo uu u sheegay inuu kasoo horjeedo heshiiska, halka dhinaca Itoobiyana uu u muujinayay inuu taageersan yahay.

Waakan Muuqaalka Mustafe Cagjar Ee Wareysiga Uu Bixiyay. 



Post a Comment

0 Comments