script src='//www.topcreativeformat.com/ La taliyaha Amniga Qaranka Ee Ebay Ahmed oo sheegay qodobadii ugu muhiimsanaa Heshiish is af-garad ee Somaliland iyo Ethiopia dhex maray.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

La taliyaha Amniga Qaranka Ee Ebay Ahmed oo sheegay qodobadii ugu muhiimsanaa Heshiish is af-garad ee Somaliland iyo Ethiopia dhex maray.

 

SGN 6 jan 2024 ~ Lataliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein oo wareysi siiyay Telefishenka Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in shanta qoddob ee Is-afgaradka ugu muhiimsan ay yihiin-:


1- In Muuse Biixi ay kula heshiiyeen dhulka( Laga bilaabo xadka Itoobiya ee xuduudda dhulka ilaa inta ku aaddan badda) taas oo ka duwan wixii uu sheegay Muuse Biixi oo ahayd in badda oo keliya ka kireyeen.


2- In aqoonsi u raadinta Somaliland laga wadahadli doona oo keliya marka ay Somaliland saxiixdo heshiiska bixinta dhulka iyo badda.


3- In an weli laga heshiinin saamiga Somaliland laga siinayo shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia airline.


4- In sidookale aanan laga heshiinin lacagta lagu kireynayo dhulka iyo badda. 


5- In ay doorteen dhanka Lughaye, 20 kilomitir na ay ka badan karto dhulka ay rabaan. Wuxuu intaa raaciyay in tareen iyo waddo laami ah ay ka dhisi doonaan badda ilaa xadka Itoobiya.

Bal faalo ka dhiibo 5tan Qodob  maxaa kaaga baxay faaladaada akhriste waa noo muhiim ee xaga hoose noogu reeb. 

Qoraalkan waxaa soo turjumay Siyaasi A/rahmaan Abdishakuur 

Tags

Post a Comment

0 Comments