script src='//www.topcreativeformat.com/ Khudbadii Uu Madaxweyne Hasan Sheekh Ka Jeediyey Shirkii IGAD.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Khudbadii Uu Madaxweyne Hasan Sheekh Ka Jeediyey Shirkii IGAD.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Muddane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirkii deg degga ahaa ee madaxda IGAD ay isugu yimaadeen, taas oo diiradda uu ku saaray xadgudubka
Itoobiya ay ku heyso midnimada iyo madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Mudanayaal iyo Marwooyin,


Waxaan maanta isugu nimid
shir-madaxeedkan aan caadiga ahayn ee IGAD si aan uga hadalno arrin aan qusayn
Soomaaliya oo keliya balse sidoo kale quseysa gobolkayaga. waa falkii foosha
Xumaa ee sharci-darrada ahaa ee ay ltoobiya dhawaan qaadday.

1-dii Janaayo, 2024, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mid ka mid ah hoggaamiye yaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, Muuse Biixi ayaa galay heshiis

is afgarad. Heshiis ku sheegaan waxaa uu u ogolaanaya Itoobiya in ay hesho 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo marinka dhulka ee soohdinta gacanka Cadmeed si ay ganacsi ahaan iyo ciidan ahaanba u isticmaasho muddo 50 sano ah.


Is-afgaradkan sharci-darrada ah waxaa la saxiixay iyadoo aan oggolaansho laga helin
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ma ahan oo keliya ku xad-gudbida dastUurka
dalkeenna ee wuxu baalmarsan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee loo dejiyay. Haddaba, ficilka Itoobiya
wuxuu  si cad ugu xad-gudbay mabaadi'da madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed, ixtiraamka xudduudaha iyo
faragelinta la'aanta ee ku Xusan qodobka 4-aad ee Xeerka Aasaaska Midowga Afrika,
Qodobka 6 (A) ee Dukumentiga lagu aasaasay IGAD, Qodobka 2aad.

Ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobo badan oo ku jira Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciyada Badaha.Marka dib loo eego, tallaabadan aan horay
loo arag ee Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ah mid aan la yaab lahayn, marka loo eego
hadalladii gardarada ahaa ee Uu bilihii la soodhaafay ku sheegay in la helo marin joogto ah oo dhanka badda ah, iyadoo loo marayo wado kasta oo lagu heli karo.

Tusaale ahaan, Noofambar 2023, PM Abiy waxa uu soo xigtay dagaal-oogihii Itoobiya ee qarnigii 19-aad Ras Caluula,
isaga oo ku andacoonaya Badda Cas inay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya.
Ujeedka Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaalida waxa si
cad loogu sheegay warsaxaafadeed ka
soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 4-ti January 2024, kaas 0o ku saabsanaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la galeen maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee MUUse Bixi.


Mudanayaal, Ra'iisul Wasaare Abiy waxaa uu ku doodayaa in Itoobiya oo aan bad lahayn ay dhibaato ay haysato dhibaato dhaqale dhaqaale maadaama aysan galangal toos ah u heli karin badda.Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ee aan badda lahayn sida Botswana, ay noqdeen qaar ka mid ah wadamada ugu heer sareeya sarreeya ee
dhaqaalahoodu uu kobcayay 15kii sano ee u dambeeyay.


Halkii ay lItoobiya dhaqaalaheeda ku
Xoojin lahayd xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta caalamiga ah, waxay door biday inay wiiqdo madax-bannaanida deriskeeda.Laga soo bilaabo 1963di, Axdiga Midowga Afrika Wuxu si aan leexleexad lahayn u ilaalinayay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada Xubnaha ka ah.Haddaba, waa arrin aan habboonayn in dalka martigelinaya Midowga Afrika uu iskU dayo in uu kala gooyo waddan kale oo Xubnaha ka
mid ah.

Post a Comment

0 Comments