script src='//www.topcreativeformat.com/ Isreal oo Sheegtay In Saraakiil Ciidan Laga Dilay.
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Isreal oo Sheegtay In Saraakiil Ciidan Laga Dilay.


SNA ~ Taliska ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in 13 isugu jirta askar iyo saraakiil looga dilay dagaalladii 12-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaanak Khan Yunis ee marinka Ghaza.


Warkan kasoo baxay ciidanka Yahuuda ayaa yimid iyadoo xalay uu maamulkan ku dhawaaqay in 3 ka tirsan saraakiishiisa ay qayb ka yihiin askartii kaga halaagsantay dagaallada Ghaza saacadihii lasoo dhaafay.

Wararka Qaar ayaa Sheegaaya in Askar ku Dhow 24 Askari Oo Saraakiil Iyo qaar Kaleba ku Jiraan Lagu Dilay Dagaalkii 24 sacadood Ka socday Marinka Gaza Gaar ahaan Khaan Yoonis.

Dagaalkan Ayaa Marba Marka Ka danbaysa Sii Laba Kaclaynaaya Iyadoo Muslimiinta Reer Falastiin Ee Marinka Gaza Lagu Wado Duqaymo iyo Duqayn Aan Kala Joogsi Lahayn, taas oo Uu Gaysanaayo Maamulka Netanyahu Ee RW Isreal.

Ilaa Hada shacabka Reer Gaza May Helin Taageero muuqata Taas Oo Wadamada Qaar Ay kaliya Siiyeen Inyar oo Cunto ah taas oo waxba ka badalayn cunto la siiyo shacab in ka badan 3 bilood dagaal iyo duqaymo lagu Waday.


Dhanka Kale Shir ay yeesheen ururka jaamacada carabta ayaa Shirkoodii oo ka Dhacay Magaalada Qahiro ee Caasimada Waddanka Masar laga Soo saaray go'aano masiiriya taaso ay ku taageerayaan shacabka Reer falastiin ee ga'doonka iyo dagaalka ku jira taas oo loo gaystay xasuuq aad u ba'an.

Sidoo kale waxaa Shirkan bogaadin iyo maamuus loo diray Waddanka Koonfur Africa Kaas Oo Keenay Xasuuqa Ay Isreal Kawado Marinka Gaza Maxakamada ICJ Taas oo Aanay Weli Jirin Waddan Carab ah oo Arintan Oo Kale Sameeyay Ama ku dhiiraday.

Post a Comment

0 Comments