script src='//www.topcreativeformat.com/ Hassan Ali Khayre Oo Si Adag Uu Canbareeyay Heshiiska Badda Ee Ethiopia iyo Somaliland
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Hassan Ali Khayre Oo Si Adag Uu Canbareeyay Heshiiska Badda Ee Ethiopia iyo Somaliland

 




Muqdisho SGN - Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya. 


Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya. 


Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B. 


Marna ma aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galinaya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrintan oo ay ilaaliso nabadda, xasiloonida iyo darisnimada. 


Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan u soo jeedinaya in ay arrintan deg deg uga bixiyaan jawaab u qalanta, ayna u diyaar garooban wixii fal-celin mideysan ah oo loo baahan karo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, Dhulka iyo badda Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments