script src='//www.topcreativeformat.com/ Dumarka Marocco Maxaa lagu doortay + Xog
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Dumarka Marocco Maxaa lagu doortay + Xog

 


Maalmahan baraha bulshada waxaa qabsaday ragga Soomaaliyeed oo xayeysiis aan horay loo arag u sameynaya dumarka Morocco, isuna dardaarmaya inay halkaas u safraan si ay usoo helaan gabdho qiimo jaban oo qurux iyo qaayo leh. 


Magaca Morocco ayaa noqday Trending Soomaaliya gudaheeda. Warbaahinta, shakhsiyaatka caanka ah, iyo weliba shirkadaha dalka ka jira ee isgaarsiinta iyo bankiyada ayaa hadal hayey, laakiin waxaan waayey hal qof oo kamid ah dadka bulshadu ku xiran tahay oo tooshka ku ifiya wejiga dhabta ah ee dumarka Marocco. 


Taariikhda Madow ee Morocco 


Marocco marka hore taariikh soo jireen ah ayey u leedahay waxa loo yaqaano “Dhilleysiga” waana dalalka fara ku tiriska ah ee uu gumeystaha reer Yurub ku reebay dhaqanadaas foosha xun. Intii u dhexeysay 1912 – 1956, waxaa caasimada dalka Morocco ku yaallay xaafado loo yaqaano “Red-Lights” oo lagu galo kaarar iyo leeysano ayna degan yihiin dadka ka shaqeeya falalka dhilleysiga. 


Xaafadahas waxaa la burburiyey markii ay Morocco qaadatay madaxbanaanida 1956-kii, Laakiin dhashii gumeystahaas iyo wacelladii dalka ku barbaaray ayaa howsha halkooda kasii ambaqaaday, waxaana gumeystaha oo aan markii horeba si rasmi ah u guurin uu saldhigtay xaafado gaar ah oo aan loo soo gudbi karin, waxaana uu bilaabay inuu ka faa’ideysto dadka danta yar iyo dadka diintoodu liidato. 


Morocco, marna kama luga baxsan falalkaas tan iyo xorriyadii, waxaa hadda ay ka mid tahay dalalka laga quustay in laga helo dumarka bikaarada ah, waxaana xilligan gabdhaha bikrada ah lagu guursadaa inay la yimaadaan shahaado ay ka soo qaateen isbitaal caan ah arrinkaa  oo cadeynaya in aysan horay galmo usoo sameynin. 


Dalxiiska Galmada ee Morocco. 


Waxaa dalka laga yaqaanaa waxa la yiraahdo “Dalxiiska Galmada” Muuqbaahiyaha France24 ayaa sanadkii 2012-ka baahiyey wathaa’iqi uu cinwaan uga dhigay:

السياحة الجنسية في المغرب

Wuxuuna kusoo bandhigayaa kalaabyo iyo meelo lagu tunto oo si calan ah dalxiisayaasha looga iibiyo dumarka jirkooda. Cilmi baaris ay sameeyeen khubaro booqatay labada magaallo ee ugu fisqiga badan Morrocco oo kala ah Marrakesh, iyo Casablanca, waxay sheegeen in 90% dumarka Morocco ay ka ganacsadaan jirkooda oo ay adag tahay in la helo dumar gabarnimadoodu u dhawran tahay. 


Prof. Daniel P. Raleigh, oo ka mid ahaa dadka diraasadan soo diyaariyey wuxuu leeyahay, laba kalaab oo kaliya ayaan ku arkay dalka Morocco oo aad u gali karto falal aanan ahayn galmo, inta kale waa kuwa u furan galmo iyo dumarka jirkooda ka ganacsanaya. 


Morroco hadda waxay ka mid tahay 10 ka wadan ee loo aado dalxiiska ku salleysan galmada ee loo yaqaano “sex tourism”. 


Wecellada ku dhasha Morocco. 


Professor Chafik Chraib, oo ah dhaqtar ka shaqeeya isbitaalka magaalada caasimada ah ee Rabat wuxuu leeyahay: “25,000 oo cunug oo garac ah ayaa ku dhasha dalka Morroco, waxaana loo baahan yahay in dumarka loo ogolaan karo inay iska soo tuuraan ilmaha kahor inta aysan dhalin si ay uga badbaadaan korinta ilmo aysan ku talo galin inay dhalaan ee loo yaqaano “unwanted babies”. 


Isagoo sii hadlaya wuxuu professor kan leeyahay: “Maalintii 600 ilaa 800 oo dumar ayaa iska soo tuura ilmo ku dhashay wecelnimo”

Intaas waxaa sii dheer 2009, qiimeyn ay sameysay hay’adda INSAF oo ah NGO u dooda xuquuqda dumarka, waxaa lagu sheegay in nus milyan [500,000] kamid ah ubadka ku dhasha dalka Morocco ay ku dhashaan mahar la’aan. 


Waaxda dalxiiska ee dalka 


Wazaarada caafimaadka ee Boqortooyada Morocco ayaa sanadkii 2011 warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay dalkeeda ay ka howlgalaan 19,333 oo ruux oo ka shaqeeya falalka galmada oo isugu jira rag iyo dumar. Boqortooyadu wey ka dheregsan tahay aafada taalla dalkeeda, laakiin waxba kama qaban karto oo waxaa ku tiirsan waaxda dalxiiska ee dalka oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu kasoo galo Morocco, waxaana fasahaadkan hor boodaya dalxiisayaasha reergalbeedka.

Sanadkii 2022, 11 milyan oo dalxiisayaal ah ayey qaabishay Morocco, sanadka 2030, waxaa la saadaalinayaa inay gaari doonaan 26 milyan.

Tags

Post a Comment

0 Comments