script src='//www.topcreativeformat.com/ Doorashada Muhiimka ah ee Taiwan - Dagaal mise Nabad Doorashooyinka Madaxtinimada ayaa Manta Loo dareeray  iyada oo ay jiraan xiisado
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Doorashada Muhiimka ah ee Taiwan - Dagaal mise Nabad Doorashooyinka Madaxtinimada ayaa Manta Loo dareeray  iyada oo ay jiraan xiisado


Codbixiyayaasha Taiwan ayaa Manta Oo Sabti ah U dareeray goobaha codbixinta ee labada doorasho ee madaxweynaha iyo baarlamaanka, halkaas oo Shiinuhu u qaabeeyey doorashada mid u dhaxaysa dagaal iyo nabad. Saddexda musharrax ee ku loolamaya xilka madaxweynaha waxaa ka mid ah William Lai, oo ah madaxweyne ku xigeenka hadda ee la safan xisbiga madaxbannaanida ee Democratic Progressive Party; Ho Yu-a, musharaxa Xisbiga Kuomintang oo xidhiidh dhow la leh Beijing; iyo Kuo Wen-ji oo ah hogaamiyaha xisbiga Taiwan. 

Xisbiga Horumarka Dimuqraadiga ah, oo u doodaya "aqoonsiga Taiwan," wuxuu higsanayaa inuu mar saddexaad ku guuleysto Lai, madaxweyne ku xigeenka, oo ah musharaxooda caanka ah. Lai, oo uu dastuurku ka mamnuucay in uu xilli kale raadsado, ayaa ku booriyay muwaadiniinta Taiwan ee ku sugan Tainan in ay codkooda dhiibtaan, isaga oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda cod kasta oo lagu taageerayo dimuqraadiyadda Taiwan ee sida adag loogu guulaystay. Kahor doorashada, Shiinuhu wuxuu si joogta ah u dhaleeceeyay musharaxa madaxtinimada Taiwan ee hogaaminaya, 

isaga oo ku tilmaamay gooni-u-goosad khatar ah. Inkastoo musharaxa ay ka go'an tahay ilaalinta nabadda guud ahaan marinka Taiwan iyo xoojinta difaaca jasiiradda, Shiinaha ayaa diiday baaqyada wadahadalka, taasoo sii kordhinaysa xiisadda gobolka.




Tags

Post a Comment

0 Comments