script src='//www.topcreativeformat.com/ DF Soomaaliya Ayaa Hargeisa Dib Uga Celisay Diyaarada Ethiopian Airlines
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

DF Soomaaliya Ayaa Hargeisa Dib Uga Celisay Diyaarada Ethiopian Airlines

 


MUQDISHO SNA - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo adag oo ay si rasmi ah uga mamnuucday in ay shirkadda Ethiopian Airlines ka shaqeyso gudaha xuduudaheeda, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maamul. 


Awaamiirtan oo ka soo baxday Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho, ayaa keentay in diyaaradii Itoobiya dib loogu celiyo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Ugu dambayntii, diyaaraddu waxay dib ugu laabatay safarkeedii Addis Ababa, oo ahayd bartii ay markii hore ka ambabaxday. 


Arrintan ayaa sii kordhinaysa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay is afgaranwaaga ka dhashay heshiiskii badda ee Addis Ababa.

Post a Comment

0 Comments