script src='//www.topcreativeformat.com/ Waxan Si Adag Canbaaraynayaa Awoodaha qayral Dastuuriga ah ee Sirdoonka Somaliland ku argagax gelinayo shacabka." Xisbiga WADDANI
Type Here to Get Search Results !

Premier bank

Premier bank

Waxan Si Adag Canbaaraynayaa Awoodaha qayral Dastuuriga ah ee Sirdoonka Somaliland ku argagax gelinayo shacabka." Xisbiga WADDANI

 




HARGEISA SNA - Xisbiga Waddani waxa uu canbaaraynayaa awoodaha qayral dastuuriga ah ee Sirdoonka Somaliland ku argagax gelinayo shacabka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran leh dastuur iyo xeerar uu dejiyay Baarlamaanka Somaliland. 


Waxa waajib sharci ah in hay'ad kasta ay raacdo dastuurka iyo xeerka lagu aasaasay. Xisbiga Waddani waxa uu walaac aad u wayn ka qabaa Hay'adda Sirdoonka Qaranka oo beryahan adeegsanaysa awood ka soo horjeedda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka ay ku aasasan tahay ee Xeer Lr. 69/2012 oo ah xeer dhaqangal ka ah dalka.



Waxa cad in Hay'adda Sirdoonku ay xidhay dad shacab ah oo ay ku jiraan suxufiyiin, islamarkaana ay ku xidhay goobo iyada u gaar ah oo sharcigu mamnuucay in qof lagu hayo. 


Qodobka 27aad ee Dastuurku waxa uu reebay in qof lagu xidho meel aanu xeerku bannayn. Qodobka 6aad ee Xeerka Xabsiyada, Xeer Lr. 65/2014, waxa uu si cad u mamnuucay in qof lagu xidho goob aan ahayn xabsi, saldhig booliis ama goobaha caruurta lagu dhaqancelliyo

Waxa si cad u reebban oo aan Xeerka Xabsiyada, 


Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Hay'adda Sirdoonku midna ogolayn in qof lagu hayo goob ay leeyihiin sirdoonku. Somaliland waxa soo martay taariikh gudcur ah oo taliskii ciidamadu ay ku xidhi jireen dadka goobo qarsoodi ah oo sirdoonku leeyahay. Lama qaadan karo in maanta Somaliland lagu soo celiyo dhaqankaas gurracan ee dastuurka iyo bani'aadantinimada ka soo horjeedda. 


Maanta dad shacab ah oo ay ka mid yihiin suxufi Maxamed Cabdi Shiikh (llig) iyo samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayay hay'adda Sirdoonku ku haysataa goob iyada u gaar ah oo ah sifihii uu si cad dastuurka iyo xeerarku u mamnuuceen. Lamana odhan karo dhaqanka caynkaas ah xadhig, waayo xadhiggu waa tallaabo ay qaaddo hay'ad awood u leh oo raacday dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal.





Post a Comment

0 Comments